WAR DEG DEG AH-Madax dhaqameedyo. Iyo Salaadiin uu hogaaminayo Wasiirka daakhilaga Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cade oo u sii jeeday deegaanada OOG oo ka tirsan Gobalka Saraar,
maantasomaliland):-Madax dhaqameedyo. Iyo Salaadiin uu hogaaminayo Wasiirka daakhilaga Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cade oo u sii jeeday deegaanada OOG oo ka tirsan Gobalka Saraar, una socday inay soo xaliyaan dagaalo deeganadaa ku dhex maray laba beelood oo wallaalo ah oo Somaliland ka tirsan oo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay ayaa lagu soo waramayaa in baabuurtii ay wateen qaar ka mid ah uu si lama filaan ah u qaaday daad xoog leh oo ka soo rogmaday Dacar Budhuq.Wasiirka Daakhiliga oo ku sugan Dooxa Dacar Budhuq, ayaa sheegay goor dhawayd in Salaadiintan iyo madax dhaqameedyadan oo ay ka mid ahaayeen, Suldaan Yuusuf Ducaale, Suldaan Bare Warsame Shire, Suldaan Carab Iyo Gudoomiyaha Hay adda Tayaynta Somaliland Cali Biikalo iyo xubno kale oo la socday uu daadku qaaday baabuurtii ay wateen, isla markaana la soo badbaadiyay dhamaan xubnihii uu ka koobnaa waftigani, balse ilaa hada welii la la? yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay Suldaan Bare Warsame Shire oo ilaa xalay lagu jiray baadi doonkiisa, sidoo kalena dhamaan xubnihii waftigan ee ka badbaaday daadkani ay weli ku xuniban yihiin Dooxxa Dacar Budhuq
WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA DHACDADAN KALA SOCO MAANT SOMALILAND
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413