Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey ayaa Wareysi taf dheer oo uu Siiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews waxa uu kaga hadley Qodobo badan oo ay kamid yihiin in Hogaanka talada

20130130013122maantasomaliland):-Gudoomiyaha Sadexaadee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey ayaa Wareysi taf dheer oo uu SiiyayShabakada Wararka Hadhwanaagnews waxa uu kaga hadley Qodobo badan oo ay kamidyihiin in Hogaanka talada Dalka ee Xiligan Hogaaminayo Madexweyne Siilaanyo ooahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa Halgankii SNM ay ka Turjumeyso in uu usoohalgamayay waxyaabihii laga dagaalamay ee uu ku abuurmey Halgankaasi isagooTusaale ugu Soo qaatey Xadhig iyo Xabad, waxa kale uu ka hadley Xisbiga Ucidiyo Waajibaadka ay kala leeyihiin Wareysigan oo ahaa mid Xiisa badan
Taariikhda SNM buug ayaan kaQorayaa Waanan Bilaabay Hogaaminta Axmed Siilaanyo Shan iyo labaatan
Sanadood marka imika lagu daro waxaanu isnaqaanaa 29 Sanadood waa Cimrigeyga Kalabadhkiisa iyo labaatan Sanadoodna waxaan ahaa Qofka ugu dhow, shan iyo labaatankaaSanadood inaan ka Sheekeeyo iyo inaan Xasuusto uma jeedo hada Wakhtigan aanjoogo kolay laakiin wakhtiyo kale waan jecelahay inaan wax ka idhaa hadasediyaar uma ihi arintaa darteed dareenkaygaa si noqonaya(ilmo), oo damqasha oobadan ayaan dareemayaayoo kolkaa waxaan jecelahay inaan is ilowsiiyoba inaanuis naqaaney xataa”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.Mar uuka Jawaabay Mujaahid CaliGurey Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd in aanu Axmed Siilaanyo(Madexweynaha-Somaliland) aanu aheyn xiligan sidii uu ahaa wakhtiga uu SheegayoWaxa uu yidhi.
Waa laga yaabaa in aanu aheynhada sidii uu Barigaa ahaa Waayo aniguba kii ma ihi Sagaal iyo labaatanSanadood ka hor xataa markii aynu dalkan Xoreynay labaatan Sano ka hor sidiiaan ahaa ma ihi oo Qof Waliba Wuu Isbadelayaa Laakiin Waxyaabaha Runtii aad iitaabta waxa kamid ah Nidaamkiisa Hogaankiisa,Xukuumadiisa iyo waxyaabihii ayumadani usoo halgantey(Prisambalkiisa), iyo wixii loo soo dhintey iyo halgankaamarkaan dibu eego mid Qudhaan Tusaale Kuu Siinayaa Daahir Rayaale Wuxu ahaaNabadsugid wadankaan ugu soo galney wuxu kamid ahaa Xukuumadii Siyaad BarreNabadsugid ayuu ahaa Madexweynana Somaliland ayuu ka noqdey, wuu ka noqon karaaMuwaadinbuu ahaa Xaq uleh inuu ka noqdo Laakiin Nidaamkii Siyaad Barre,markey Dhibaato dhacdo Xalka wuxu uyaqaanay mid qudha Xadhig iyo Xabad, haday wax dhacaan ama Cidi wax Mucaaridoama hala soo xidho ayaa la odhan jirey ama Xabad lala dhaco ayaa la odhanjirey, Imika Waxyaabaha iigu nasiib darada badani waxa kamid ah maanta oo uuhogaamiye yahey Madexweynihii ugu madada dheeraa Snm , oo ay tahey Waayoaragnimo ay umadani soo martey inaan xadhig iyo xabadi xal unoqonin karindhibaato Qaran, oo aynu mareyno Qarnigii kow iyo labaatanaad miliiniyamkiinalagaley, dowald uu ka madax yahey Madexweyne Siilaanyo oo ah gudoomiyihii ugumudada dheeraa SNM in ay halkii Siyaad Barre in ay u aragto dhibaato kastaXalkeedu in ay tahey Xabad iyo Xadhig, hadii kla Mudaharaado xabadbaa lagufurayaa dadka, haduu qof hadlo hala soo xidhaa la odhanayaa, jariidadu hadaanayaheyn sidii la doonayay waala weerarayaa, walibana waxyaabo kasii xun oofoolxun oo aynaan hore usoo marina waalagu sii darey, marka aad eegtoXukuumadihii ka horeeyay tan oo dhan tanaa uga eeg habdhaqankii XukuumadiiSiyaad Barre oo kale, ta ugu dhowina tanaya noqotey markaa Waxyaabaha aananjecleyn inaan taataabto waxa kamid ah, ee aan habeenkii saqda dhexe intaan sootooso isweydiiyo, waar umadani Taariikhdeedii iyo Waayo aragnimadeedii inaanxadhig iyo xabadi xal unoqon karin, khilaaf iyo dhibaato qaran cashar ayumadani soo martey oo qiimo aad u qaaliya kujooga ayuu ahaa xagay kumaqnaanyeen dadkan maanta dadka Xukumayaa, xagay joogeen kolkii umadahani urogmanyeen ka dagaalnka xadhig iyo Xabad , ee ay kaaraha dhagaxa la dhacayeen,ee habaluhu ay tibta Qoriga u furanayeen, Wallaahi goob joogbaan u ahaa inantaKu Furatey Qoriga kaarabiinka ah Tibta, Ibraahim Dhagaweynahan Weydii allaha haunaxariistee C/laahi Askerna wuu dhinatye, sadexdayadaa joogney anayo markeynoola timid, taliskey nala joogtey oo Waxbay noogu karin jirtey waxaan leeyahayxalkan ay nimankani umadan kaga doonayaan xoogu waa mid horeba loogaga waayay,in aynu Shacbiga ku nidhaahno waar waxan inaga daayoo markey doorashadu dhacduunaynu eegno, rajo kama soo muuqato xataa in la toosin karo Qarankan maanta waayoXukuumadan maanta kuwa joogaa umaba qabaan in ay qaldan yihiin waad qaldantihiin ayay ceeb u arkaan, kolkaa niyow halkaa ha igu wadawadin”Ayuu yidhiMujaahiod Cali Gurey.

“Calaaya kuli xaal Waxaanleeyahey Wixii aan Kasoo Dagaalanay ayaanu usoo dagaalanay Waayo aniguba marmarbaan Isweydiiyaa markaan Arko Axmed Siilaanyo oo Madaexweyne ka ah dalkansiduu u dhaqmayo inaan khaldanaa talaabisteydii Barigii iyo Halgankii inaadSiyaad Barre la dagaalantaa Ma Saxbnay aheyd Mise khalad, waayo Waxaan arkayaasida loo talinayo, Waxaan arkayaa dadka talinaya, waxaan arkayaa Qofkii Qiimahalahaa iyo Qofkii yidhaa wax hala hagaajiyo sida loola dhaqmayo, oo Wixiiumadani Usoo halgantey oo dhan obasitkeedii(wixii kasoo horjeeday), markaa waagar inaan isweydiiyo maanta Barigaa waad khaladaneyd waxaanana aaminsanahayhadaan garanayo intaan Garanayo inaanan qoriga qaateen oo aanan halgameen”Ayuuyidhi Mujaahid Cali Gurey.

Mar uu ka Jawaabayay Mujaahid CaliGurey Su,aal laweydiiyay oo ku Sahabsaneyd in aanu Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo wakhti Xaadirkan aheyn Sidii uu ahaan jirey waayadii uuahaa Gudoomiyaha SNM marka loo eego Maraxladaha uu soo marey waxa uu yidhi.

“Anigu taa gali maayo Da,diisaiyo Waxaas laakin waxaan Kuleeyahey Xiniinyo kuwaaga ma ahee waakuwa lagulaagjoogo waxa kale oo ay yidhaahdaan nin habari dhashey hal maseegi waayo qofaan qaldamina majiro Axmed Siilaanyana Waa qof wuu qaldami karaa kaligiina wax maqaban karo laakiin waxa nasiib daro ah xiniinyaha maanta lala ag joogaa waxaloola joogaa Somaliland waxyeeladeeda hadii uu heli lahaa koox daacad ah iskusoo wada duub wixii waa nidaam madaa,diina Baniaadamku waa inuu leeyahey aniguMucaaridna waan noqdey Muxaafidna waan noqdey laga soo heli maayo mabaadiideydaanigoo is burinaya hadaan Ucid ahey Ucid oo qaldan waan Sheegayaa, anigooKulmiye ah ayaa Ururkii Qaran lasameeyay Qofkii ugu horeeyay ee intuu Dastuurkaeegay yidhi xaqbay uleeyihiin ayaan ahaa, hadaan Shaley lahaa in ay KooxSiyaasadeed sameysanto xaqbay uleeyihiin maantana odhan maayo Golahani loomabaahna Siyaasad Tartan ah Nala gali maayaan oo Xisbiyo Qaran ma,aha GolayaashaQaranka ma aha oo Sharci dajin maayaan hadana maanta Xukuumada tacabka kaga BaxeyBaabiinta Odoyaashan Ku Dhawaaqey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku waaarin aad layaab uleh, baqdintaa Intaa leeg”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Waxa kale oo uu intaa ku dareyisagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd in Khilaaf u dhexeeyoWakhtigan Gudaha Xisbiga Ucid dhexdiisa gaar ahaan Murashaxa Madexweynaha (JamaalCali Xuseen),iyo Hogaanka Xisbiga sida Gudoomiyaha (Faysal Cali Waraabe) isagooka Jawaabaya Su,aashaas waxa uu yidhi.

“Horta Gudoomiyaha Xisbigu WaaFaysal Cali-Waraabe, laakiin Jamaal Cali Xuseen ma aha dhismaha XisbigunaSidaasuu usoo bilaabmayaa Gudoomiye Gudoomiye Kuxigeeno Xoghaye Guud Gole dhexe,Murashaxnimada Jamaalna waa mid jirta waayo awood waxaa uleh doorashadiisaGolaha Dhexe Cali Gurey awood uma laha Jamaal anigu kama Dhigi karayo Murashaxkaliday, Faysal Cali Waraabana Xaq uma laha inuu ka Dhigo Dastuurbuu leeyaheyXisbigu Dastuurkaas iyo Haya,adii Sharciga ulaheydbaa ka Dhigtey, halkaa markaay Joogtana Jamaal Howl badanbaa utaala Isaga, Waxaa utaala in uu Qalbiga iyoMasakaxaha Ucid iyo dadka Ucid iyo Golihiisa Dhexe inuu kasbado inuu taageerokasbado inuu ogaado inuu hogaamin karo Qarankan inuu ku qanciyo Ucid iyoBulshada Somalilandba, aniga imika Xidhiidh toos ah malihin wax alaale iyo Waxnoo dhexeeyaana majiro inanka abtina waan u ahey, aniguna Madexweyne ma DoonayoGudoomiye ma doonayo haduu isagu Madexweyne Doonayo kuma haysto Madexweyne kalema wato Wixii Ucid Murashax u ah ayaa anigana Murashax ii ah Laakiin nasiibdaro Xidhiidh toos ah malihin Imika Waxa isugu kaaya dambeysay barigii laXeraynayay liisaskii DoorashadiiDeegaanka, markii Kaambeynku jireyna anigu waanigii Hargeysa joogay IsagunaBerbera iyo Baribuu jirey Murashaxa Madexweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid aniguismaanu arag in ay iyagu Xidhiidh leeyihiin iyo inkale ma ogi Laakiin wxaan kuuogahay mowduuc maanta Ucid dhexyaala oo la leeyahey Ucidbaa isku haysataMurashaxnimada Jamaalna ku daroo inaanay Jirin wax alaale iyo wax jiraa ma jironinka Waajibkiisa Gudan waayaana isagay utaalaa, anuu Waxaan ahey GudoomiyeKuxigeen hadaan Gudoomiye Kuxigeenka Gudan waayo waa la iga qaadayaa Whynot(Waayo) Faysal Cali Waraabe Sow Gudoomiye ma aha haduu gudan Waayowaajibkiisa waa laga qaadayaa”Ayuu yidhi.

Mar Laweydiiyay Cida ka QaadeysaFaysal Cali Waraabe Xilka Gudoomiye haduu gudan Waayo Xilkiisa waxa uu kujawaabay

“Waxa ka qaadaya dadkii doorteysow may dooran Shirweyne Shirweynaha Xisbigaa Awood uleh inay Qiimeeyaan Faysalin uu yahey Gudoomiyihii saxa ahaa xaqna Waxey uleeyihiin in ay Faysal Xilka kaqaadi karaan, oo ay dooran karaan oo ay Qof kale Dooran karaan Xaqbayuleeyihiin Jamaalna kama Duwana, anuu Qoraal soo baxeyna maan arag Jamaalnaismaanu arag Faysal Cali Waraabena maalintaa ay is buriyeen labadoodu deedabcan qofka Sadexaad ee Xog ogaal ahi aniguu ahaa aniguna waan ka hadleywaxaanan ka hadley in Mowduucani uu Gudoomiyihu horeba ugu jirey fikirkaawadatashi Qaran markii horena ay Xukuumadu ogoleyd ayaan Sheegay oo dibadalagaga soo wadahadley markii halkan layimidna ay ka baxdey in Gudoomiyahaga(Faysal)iyo rag kale oo la Socdey ay halkii kasii amaba qaadeen ayaan sheegay, markiiGolaha lagu Dhawaaqayay anigeygan waa la iisoo dhigay oo waan diiday inaanXubin ka noqdo Waayo waxaan ku idhi labadii howlood tii Xisbiga iyo tii kooxisku wadi kari maayo waayo howlaha imika Xisbigu iiga baahan yahey ee aananawooda u hayn ayaa ka badan ta aan Golaha ka tarayo laakiin waxaan Sheegayaainaanay aheyn in Faysal kalidii iska goostey ilaahaybaa igu og waxaanay aheydin ay kawada hadlaan Labadoodu hadey wax isla diidan yihiin ama uu yidhaahdoisku keen keena arinkaa waxbaanu ka qabnaa oo aanu isu nimaadno dee oo hadaanudoono aanu tiisaba qaadano oo aanu nidhaa inaga daaya isagaa inaga hagaagsanelaakiin arinkii aanu ku dhex jirney ee uu ku dhex jirey Gudoomiyaha Xisbigu ooaan idhaado waa wax isaga ugaar ah oo aan ku Raaco Jamaal Cali Xuseen maDhaceyso”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey. Lasoco Qormada Sadexaad oo aad Xiisa Badan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com