Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Oo Gudida Akaadamiga Afsoomaaliga soo dhaweeyay

Siilaanyo_Guddi_Af_Soomaali_21HARGEYSA(maantasomaliland):- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.
Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af Soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ah ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda.

Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey.
Waxa magaaladda Hargeysa xalay lagu soo gabogabe

eyey carwadii Buugaagta ee Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen aqoonyahan soomaali iyo ajanabi iskug jirta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo bandhigayey khudbaddo iyo buugaag ay qoraan.

Dhalinyaradda magaaladda Hargeysa ayaa mudadii lixda cisho ahayd ee carwaddu socotay si weyn uga soo qaybgalay, kuwaas oo dhagaysanayey khudbadihii kala duwanaa ee aqoonyahanadu ku soo naaqishayeen carwadda.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com