Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u qaybsameen labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye.

CALI-YUUSUF(maantasomaliland):-guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa
waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u qaybsameen labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland oo u waramayey HCTV waxa kale oo uu ka hadlay colaada ka taagan deegaanada degmada Oog isaga oo ugu baaqay dhinacyada isku haya deegaanadaasi inay colaada joojiyaan.Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlaya wararka sheegaya in xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u qaybsameen xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye ayaa waxa uu yidhi ?Arintaasi mid jirto maaha waayo xeer ayaa sheegaya in xildhibaan kastaaba uu xisbiga uu doono ku biiri karo markaa arintaasi waa mid shakhsi ee maaha mid loo ololaynayo oo si muuqata uga dhex socota golaha.?ayuu yidhi Cali Yuusuf Axmed

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu ka hadlay colaada ka taagan deegaanada degmada Oog isaga oo dhinacyada isku haya deegaankaasna ugu baaqay inay nabad qaataan ?Waa nasiib daro inay arintaasi dhacdo waxaanan rajaynaynaa in odayaasha,waxgaradka iyo caqligu uu shaqeeyo oo deg deg loo joojiyo colaada ka taagan deegaanadaas, shalayna wafti balaadhan oo xukuumada iyo hogaamiyo dhaqameedyo ah ayaa ka tagay caasimada nasiib daro dadkii halkan ka baxay qaar ka mida ayaa daadkii Dacar Budhuq qaaday kuwaas oo doonayey inay deg deg halkan uga gaadhaan intii dhimatayna ilaahay naxariistiisii jano ha siiyo sama fal iyo wanaag ayey u socdeene?

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com