Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ku Xigeenkii Xoghayaha Arimaha Gudaha UCID Oo Is Casilay, Dhaliileyna Siyaasadda Xisbiga

Badmaax

(Hargeysa, Maanta Somaliland) – Xuseen Xasan Badmaax, oo ahaa ku xigeenka xogyaha arimaha gudaha ee xisbiga UCID, ayaa maanta sheegay inuu iska casilay xilkaasi.
Xuseen Xasan Badmaax ayaa war-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray ku sheegay inuu ka baxay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isaga oo ku sababeeyay taladii xisbigaasi oo u xuubsiibatay hal qof.

Warsaxaafadeedka uu saaray ayaa u Qornaa sidatan “Waxa aan halkan ku caddaynayaa maanta oo ay taariikhdu tahay Augost 22,2013 inaan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga cadaaladda iyo daryeelka UCID oo ahaa ku-xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha iyo xubinamadii xisbigaba.Waxaana u sabab ah arrimahan:

1.Siyaasada xisbiga oo noqotay mid dabar lagu xidhay.
2.Hangoolkii xisbiga oo saddex farraar yeeshay.
3. Taladii xisbiga oo u xuub siibatay “one man rule”

Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com