Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkada dahabshiil oo ah shirkada ugu balaadhan xawaaladaha somalida ayaa xarunta loo yaqaano oxford house oo ku taala bariga London ugu qabatay dhamaan wakiiladeeda ka hawl gala magaalada London training ku saabsan kor u qaadida iyo tayaynta adeega ay uu hayso bulshada,

UntitledLondon(maantasomaliland):-Shirkada dahabshiil oo ah shirkada ugu balaadhan xawaaladaha somalida ayaa xarunta loo yaqaano oxford house oo ku taala bariga London
ugu qabatay dhamaan wakiiladeeda ka hawl gala magaalada London training ku saabsan kor u qaadida iyo tayaynta adeega ay uu hayso bulshada, Training ku saabsanaa sharciga la xidhiidha dirista xawalaada iyo bixinta hadaba training kan oo bilaabmay 10:00am ayaa dhamaaday 5:00pm wuxuuna soconaynaa todoba
ugu horey waxaa halkaas ka hadlay Ibrahim Mohamed yusuf oo ah Operation &HR Director oo ugu waramaya muhiimada uu leeyahay Compliance training kan ay qaadanayaan maanta wakiilada shirkada ee London ahmiyada uu leeyahay shirkada ,wakiilka iyo macaamiishaba isagoo ugu waramay inay aad muhiim uu tahay in la ilaaliyo loogana faaideeyo training maanta ay qaadanayaa hawlahaa shaqada ay uu hayaan company iyo macaamiishaba waxaa isna halkaas ka hadlay yuusuf omar Hassan oo ah madaxda sare ee shirkada dahabshiil ee United states of America oo ka waramay compliance training kan sidii uu muhiim ugu yahay shirkada iyo wakiiladaba isagoo aad ugu dheeraaday sharaaxado badan na ka bixiyay advantages of compliance kana waramaya sharciga oo la raaco iyo dhibaatada uu leeyahay hadii sharciga la raaci waayo isagoo faahfaahin ka bixiyay sharciyada ay ka mid yihiin money laundering regulation & transfer of funds regulation 2007 yuusuf waxaa uu kusoo koobay in la dabakho sharciga waxa muhiim ay u yahay wakiilka ,shirkada iyo waliba maacamiilsha isagoo aad ugu dheeraday in training kaas maanta macnihiisa yahay kor loo qaado lana tayeeyo adeega ay shirkadu uu hayso macaamiisheeda shirkada tamacnaheedu yahay in la ilaaliyo sharciga caalimaga ee uu yaala AML iyadoo loo raaco sida saxda ah hadii la raaci waayona uu leeyahay ciiqaab nooc kasta leh
gudoomiyaha shirkada qaybta AML abdirizak aided iyo ku xigeenkiisa mohamud dirir oo bixinayay training kan ayaa wakiilda ugu waramay oo uu sharxay faidada ku duugan training ay maanta nasiibka uu yeesheen wakiilada shirkadu inuu yahay mid kor uu qaadida adeega shirkada, wakiilka iyo macmiilka shirkadaba taas oo ah in lagu dhaqmo sharciga Compliance in ay aad muhiim uu tahay iyagoo ku dheeraday in la raaco sharciga oo aan la sahashan iyagoo kula dardaarmay wakiilada in ay ilaaliyaan dhinacoodana dhowraan shuruucda sharciga uu yaala lacag dirista iyo bixintaba taas uu uu fududaynaysaa inaynu si wanaagsan uu wada shaqeeyaan shirkada, wakiilada iyo macaamiishuba.
waxaa isna halkaas ka hadal Abokar Ahmed oo ah madaxa Credit control oo ka waramaya waxyaalaha ay muhiimuu tahay in wakiilku ilaaliyo creditkiisa oo uu noqda wakiilka ay hufnaato wada shaqanta shirkada iyo wakiilku.
abdirashid baxer oo ka tirsan madaxda shirkada ayaa isna kula dardaarmay wakiil kasta oo nasiib uu yeeshay inuu ka soo qayb galo comliance training maanta inuu ka faaidaysto inuu kor uu qaado aqoontiisa oo uuga faideeyo shaqaalaha la shaqeeya taas uu sahlaysaa inuu gudbiyo wixii uu ka bartay training maanta
waxaa hadalkii soo xidhay madaxa shirkada dahabshiil ee qaarada yurub Abdi Abdilaahi aad ugu dheeraday muhimada ay uu qabteen training maanta inuu yahay in kor loo qaado oo la tayeeyo shaqada ay shirkadu uu hayso macmiisheeda taas oo muhim ah in la helo markasta training joogta ah oo ay helaan wakiilada shirkadu inuu noqon doono mid markas la qabto isagoo kula dardaarmay wakiilda shirkada inay wixii ay maanta ka faidasteen tarining kaas ay ugu shaqeeyaan macmiisha iyagoo kor uu qaadayaa tayaynayanaa shaqadaa ay uu hayaan shirkada iyo macaamiishab iyadoo intaas ka dib ay wakiiladu suaalo waydiiyeen madaxda shirkada madaxduna uga jawaabtay iyadoo training labaad ay 27/08/2013 ay ugu qabanayso dhamaan wakiiladeeda gobolada magaalada birmingham

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413
tel:79111167

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com