Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo dooray gobolka Awdal ayaa badhasaabka Awdal Cabdoo Aayar ku eedeeyay inuu wado kala qaybinta beelaha reer Awdal, tilmaamayna inuu la saftay dhinac gaar ah

HufaneHARGEYSA ((maantasomaliland):- Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo dooray gobolka Awdal ayaa badhasaabka Awdal Cabdoo Aayar ku eedeeyay inuu wado kala qaybinta beelaha reer Awdal, tilmaamayna inuu la saftay dhinac gaar ah.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray in badhasaabka Awdal uu hor taagan yahay cabashooyin ka taagan maamulka dawlada hoose ee Boorama gaar ahaan jagada xoghayaha fulinta dawlada hoose oo uu sheegay in cabasho badani ka taagan tahay, kadib markii uu sheegay in golaha deegaanka degmada Boorama ay doorteen maayar iyo maayar ku xigeen ay isku beel yihiin xoghayaha fulinta ee hada xilka haya. Xildhibaan Hufane waxa kale oo uu sheegay in kacdoon shacbi ay keeni karto haddii xukuumadu ay wax ka qaban waydo cabashooyinka beelaha saluugsan saami qaybsiga maamulka dawlada hoose ee Boorama.

Xildhibaan Hufane oo shalay Haatuf xogwaraysi khaasa ku siiyay xarunta golahooda, isla markaana socdaal kaga soo laabtay magaalada Boorama ee xarunta Awdal, oo uu sheegay in cabashooyin badani ka taagan yihiin, ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii shacbiga gobolka Awdal waxa jira waxyaabo badan oo xukuumada ay kaga cabanayaan oo guux badani uu ka taagan yahay. Tusaale ahaan golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November 2012-kii 12kii xubnood ee golaha deegaanka Boorama 14 xubnood ayay yeelatay mid ka mid ah saddexdii beelood ee wax loo qaybsan jiray, dabeeto waxa dhacday in beeshii aqalabiyada golaha deegaanka heshay ay wada qaateen maayarkii iyo maayar ku xigeenkii, dabeeto jagada kaliya ee labadii beelood ee kale u soo hadhay ee dhextaalaa waxa uu noqday kursiga xoghayaha fulinta dawlada hoose oo ay soo magacawdo wasaarada arrimaha guduhu, dabadeed dawlada dhexe wax isbadala oo ay ku samaysay xoghayihii dawlada hoose oo isaguna la beel ah maayarka iyo maayar ku xugeenka wax ay ka qabatay ma jiro.

Waxaana igu maqaalo ah oo lay sheegay inuu badhasaabka Awdal Cabdoo aayar uu difaacayo in isbadal lagu sameeyo xoghayaha dawlada hoose ee Boorama oo uu leeyahay yaan la badaline sidaasi ha ahaado xoghayuhu” Md Hufane isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “ Waynu wada ognahay in maamulada golayaasha deegaanada iyo xilalka dawladaha hoose saami qaybsi beeleed lagu qaybsado jagooyinka sare, meesha khilaafka ugu wayni uu ka taagan yahay ee shacbigu ka cabanayaana waxa weeyi in maayarkii iyo maayar ku xigeenkii iyo xoghayihii dawlada hoose ee Boorama ay wada noqdeen beel kaliya. Badhasaabka gobolka Awdalna waxaanu usoo jeedinaynaa inuu faragalnta ka daayo arrimaha u khaaska ah beelaha reer Awdal ee walaalaha ah, waxaana ceeb ah inuu dhinac gaar ah la safto, halkii ay ka ahayd inuu badhasaabku u sinaado bulshada Awdal, balse waxaa muuqata in ninkii badhasaabka gobolka Awdal uu dhinac kaliya kala saftay, bulshada reer Awdal, isla markaana uu lumiyay kalsoonidii beelaha kale ee reer Awdal.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cadena waxaanu usoo jeedinaynaa inuu si dhakhso ah wax uga qabto cabashada reer Awdal ay ka qabaan faragalinta badhasaabka iyo saami qaybsiga maamulka dawlada hoose ee Boorama. AwaL hore waxaa laga caban jiray saami qaybsiga xilalka dawlada dhexe maantana waxay maraysaa dawladihii hoose. Sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada haddii maayarkii, maayar ku xigeenkii ay beel kaliyaata wada noqdeen waa in xoghayaha fulinta dawlada hoose la siiyi beelaha kale haddii kale waxay noqonaysaa in cashuurba la bixin waayo.”

Xildhibaan Hufane mar aanu waydiinay waxyaalaha uu ku cadaynayo eedaha uu badhasaabka Awdal uga jeedinayo inuu hortaagan yahay in isbadal lagu sameeyo xoghayaha fulinta iyo kala qaybinta uu sheegay, waxa uu yidhi “Ummadu way ogtahay in badhasaabka Awdal uu hortaagan yahay wax ka qabashada cabashada ka taagan jagooyinka maamulka dawlada hoose, waxaananu u aragnaa in badhasaab Cabdoo aayar uu ka shaqaynayo kala qaybinta beelaha reer Awdal, awal horena waxaa lagu xamanayay inuu beelihii reer Togdheer uu soo kala qaybiyay xilligii uu badhasaabka Togdheer ka ahaa, badhasaabka waar ummada reer Awdal kala qaybin iyo kala fogayn uma baahnee faraha kala bax, beelaha Awdalna dhaqan soo jireena ayay ku qaybsan jireen maamulka dawlada hoose oo haddii uu maayarka noqdo beesha habar Carfaan maayar ku xigeenka iyo xoghayaha fulintana waxaa qaadan jiray beelaha Makaahiil iyo Maxaad Case. Hase yeeshee haddii xukuumadu badhasaabka awdal ay ka raacdo in saddexdii jago ee ugu sareeyay maamulka dawlada hoose ay beel kali ahi wada haystaan waxay taasi keeni kartaa kacdoon dadweyne iyo in cashuurta la bixin waayo.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com