Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxsiiska ee Somaliland Maxamed Xuseen Axmed ayaa shalay madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera ku soo dhaweeyay kooxda kubada kolayga ee ku ciyaarta magaca caasimada dalka Jamhuuriyada Jabuuti

Agaasimaha-wasaaradda-ciyaaraha-Maxamed-xuseen-dhabbeeye2(maantasomaliland):-Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxsiiska ee Somaliland Maxamed Xuseen Axmed ayaa shalay madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera ku soo dhaweeyay kooxda kubada kolayga ee ku ciyaarta magaca caasimada dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta kooxdani agaasimaha ku wehelinayay agaasimeyaasha waaxyaha ciyaaraha iyo dalxiiska ee wasaaraddaasi, maayarka magaalada Berbera iyo xubno ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Berbera.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in u jeedada socdaalka ay kooxdan kubada kolayga ee ka socota dalka Jabuuti ku yimaadeen Somaliland ay ka danabysay marti qaad ay u fidisay wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Maxamed Xuseen Axmed waxa kale oo uu sheegay kooxdani oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xidhiidhka kubada kolayga ee dalka Jabuuti, in mudada ay joogaan dalka kooxdan ka socota jabuuti ay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan doonaan kooxaha kala duwan ee kubada gacanta Somaliland.waxaanu tilmaamay in kooxdan ka socota dalka Jabuuti ay sanadkii hore kooxdii ku ciyaaraysay magaca caasiamda Somaliland ay magaalada Kanpala ku wada ciyaareen tartankii caasimadaha barriga iyo badhtamaha afrika.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan maanta (shalay) ku soo dhawaynay madaarka diyaaradaha ee Berbera aniga iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Berbera.

Kooxdani waxay ka socota dalka Jabuuti magaalo madaxdiisa, waxaana magacooda la yidhaahdaa Jabuuti City Council, waxaanay ku ciyaartaa magaca golaha deegaanka degmada Jabuuti, maanta (shalay) ayaanay Berbera ka soo degeen, waxaana hogaaminaya guddoomiyaha xidhiidhka kubada kolayga Jabuuti, waana kooxdii ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku wada ciyaareen sanadkii hore koobkii caasimadaha bariga Afrika, kooxdii ku ciyaaraysay magaca caasimada Somaliland ee Hargeysa halkaasi ayaanu xidhiidhku ka soo bilaabmay.wasaarada ciyaaraha Somaliland ayaa u fidisay marti qaadka, sidaas ayaanay ku yimaadeen Somaliland.anaga ayaana qaabilayna oo bixinayna kharashkooda inta ay dalka joogaan, galabta ayay Hargeysa yimaadeen waynasanayaan, beri (maanta) ayaana loo qorshayn doonaa ciyaarahooda ilaa saddex ciyaarood ayaana lagu wadaa inay ciyaaraan, waxaana laga fikirayaa inay marka danbe Boorama tagaan inkasta oo aan weli la isla qaadan”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxsiiska wxa kale oo uu ka waramay tartan kubada cagta oo muddo todobaad ah ka socday degmada Gar-adag kaasi oo ay ka qaybgaleen afar degmo oo ka tirsan gobolada bari, iyada oo tartankaasi oo socday muddo todobaad ah oo shalay soo gaba-gaboobay ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Caynaba.

Maxamed Xuseen Axmed isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Degmada Gar-adag ayaa dhawaan lagu qabtay tartan kubada cagta ah oo ay ka qaybgaleen afar degmo oo kuwa bariga ah, Oog, Caynaba, Gar-adag iyo Ceel Afwayn, waxaana tartankaasi soo qaban qaabiyay golahadeegaanka degmada Gar-adag, wasaaradda ciyaaruhuna qalabka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahnaayeen ayaanu ku caawinay, waanu soo gaba gaboobay tartankaasi waxaana ku guulaysatay kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Caynaba, waxaanu socday sideed maalmood, waxay ahayd ciyaar lagu dardargelinayay degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanay ahayd inay degmooyin badani ka qayb galaan, hase yeeshee duruufo jiray awgeed ayaanay u suurto gelin, laakiin afartaa kooxood ayaa nasiib u yeeshay inay ka soo qayb galaan”.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com