Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Ajandaha kalfadhigooda 22-aad ee Golahaasi ku hawl galayo mudooyinka soo socda.

Golaha-Wakiillada(maantasomaliland):-Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Ajandaha kalfadhigooda 22-aad ee Golahaasi ku hawl galayo mudooyinka soo socda.Fadhiga Maanta oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Ciro waxaa ka soo xaadiray 45 mudane. Waxaa Ansixinta Xeerkaasi Ogolaaday 40 mudane, hal mudane ayaa Diiday, Saddex mudane  Aamusay, halka Gudoomiyuhuna aanu codayn. Gudoomiyaha OO Natiijada Codayntaasi ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ajandaha oo Qodobo hore looga saaray qaar kalena lagu soo daray sidaasi Ansax ku yahay. Mudanayaasha Golaha ayaa Doodihii hore ee ay ka yeesheen Ajandaha Golaha waxay ku dalbadeen in laga saaro Qodobo taabanayay Golaha Baarlamaanka sida Xeerka Doorashooyinka Golaha wakiilada iyo Guurtida.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in Qodobkaasi laga saaray Ajandaha islamarkaana lagu dari doono Ajandayaasha Dambe wakhtigii ay ku haboonaato maadaama Goluhu diiday.

Ajandaha Goluhu ka doodayo maalmaha soo socda waxaa ka mid ah, Xogogaal u noqoshada Xaaladda dalka, Ansixinta Wasiirada Cusub, Xeerka Akhriska 3-aad, Xeerka Horumarinta wadooyinka, Xeerka Xabsiyadda, Xeerka Hay?adda AIV/AIDS-ka, Xeerka Caasimada iyo Xeerarka ka soo noqday Madaxwaynaha. Golaha ayaa inta uu ku jiro Xogogaal u noqoshada Xaalada dalka u yeedhi doona Wasiirka Difaaca, Wasiirka Madaxtooyada, wasiirka Macdanta iyo tamarta iyo wasiirka Arimaha gudaha.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com