Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Ayaa Maanta Ka Furay Magaalada Hargaysa Shirweynaha Afraad Ee Mac-Hadka Cilmi Baadhista Iyo Horumarinta ee SORADI, Kaasoo Lagaga Hadlayo Fursadaha iyo Caqabadaha Soo Waajaha Saxaafadda.

cukuse(maantasomaliland):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta ka furay magaalada Hargaysa shirweynaha afraad ee mac-hadka cilmi baadhista iyo horumarinta ee SORADI, kaasoo lagaga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha soo waajaha saxaafadda.

Kulankan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md Bahiir Cabdi xariir, waxana ka qayb qaadanaya hay’adaha saxaafadeed ee dalka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Mudada uu kulankaasi socdo waxaa lagu falanqayn donaa sida loo waajahayo caqabadaha ay suurogalka tahay inay saxafaddu la kulanto iyo weliba sida looga faa’iidaysan karo fursadaha banana ee muuqan kara.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo hadal halkaa ka jeediyey ayaa bahda saxaafadda ku boorriyey in la dhowro shuruucda saxaafadda, lana ilaaliyo doorka ay saxaafaddu ku leedahay adkaynta qaranimada, xilli uu cadeeyey in saxaafadda Somaliland ay haysato xoriyad balaadhan, caqabadaha ka hor imanayana ay kala siman tahay qaybaha kale bulshada.
Md Cukuse waxa uu tilmaamay inay xukuumad ahaan soo dhoweynayaan in la helo xeer saxaafadeed oo u dhexeeya Xukuumadda iyo saxaafadda dalka.

Dhanka kalena wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md Bahiir Cabdi xariir, oo kulanka ka hadlaya ayaa ka codsaday dhinacyada ku hawlan saxaafadda inay awoodda saaraan horumarka dalka intii ay ku mashquuli lahaayeen siyaasadda iyo qaybaheeda.

Agaasimaha Mac-adka SORADi Dr maxamed Cismaan fadal ayaa isna sheegay inay muhiim tahay in cilmi baadhis lagu sameeyo fursadaha iyo caqabadaha ay suurogalka tahay inay ka hor yimaadaan warbaahinta si loo helo qaab lagaga gudbo iyo qorshayaal lagaga faa’iidaysto fursadahaasi.

 

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com