Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii Ugu Danbeyey Weftigii Xukuumadda Oo Isa Soo hor fadhiisiyay beelihii kui diriray Deegaanka God-heeri

Warancadde4(maantasomaliland):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde iyo weftigii nabadeed ee heer qaran ee uu hoggaaminayey ayaa maanta oo Sabti ah kulan balaadhan la yeeshay dhinacyadii ay shaqaaqadu ku dhex-martay deegaanka God-Heeri ee hoos yimaadda degmadda gar-adag ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka oo u waramayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in xasilooni iyo deganaansho ka jiraan deegaankii xurguftu ka dhacday weftiguna ku gudo jiraan heshiisiinta labada dhinac oo illaa hadda ogolaaday inay tan iyo intii shaqaaqadu dhacday ay markii ugu horaysay kulan isugu keeneen waxgaradkii iyo odayaashii labada ardaa, bulshada deegaankuna ay si rasmi ah isu dhex joogaan oo si guud looga wada shaqaynayo nabad ku soo dabaalidda deegaankaasi.

Md. Waran-cadde waxa uu u mahad-naqay dhammaan dadkii u soo gurmaday wax ka qabashada iyo xallinta mashaqadaasi, isagoo ku tilmaamay in rabitaanka nabadgelyadu qayb ka tahay isu tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay mudada dheer.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com