Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Waxa Looga Fadhiyaa Inay Wax Ka Qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa U Dhaxeeya Oo Dhameeyey Hal Doorkii Reer Somaliland Jamaal Cali Xuseen

u_106646d_2013-7-31-16-58-39f_Jamaal(maantasomaliland):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo  Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Somaliland oo ay maalin-ba qof qaadayaan, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramayey qaar ka mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan.”Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumada laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan  inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari-kari-waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto, markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan”.Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkisa sii watana waxa uu intaasi ku darey oo uu yidhi”Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato,haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya”.

Dhinaca kale,Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u direy qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shire oo habeenimadii  taariikhdu ahayd  21/08/2013 Shil-baabuur ku geeriyooday, kadib markii  uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo marxuumku ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah. Arrintanina waa wax u baahan in si degdega wax looga qabto”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah dirirtu ku  dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa,dagaalku khasaare mooyaane faa?iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaaha ah ee wada-dega inuu bogooda burcad isku mariyo”.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com