Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wariyihii HCTV Ee Saylac Oo Ciidanka RRu-du Ku Xidhen Xariirad, Dhawacna U Geysten.

war deee(maantasomaliland):- Wariyaha Telefeshinka HCTV ee Saylac Maxmed Cawale ayaa waxa xidhay Ciidanka Booliska ee loo yaqaano RRU-da, kuwaasi oo u geeystay Jidh-dil iyo dhaawacyo Culus, waxana la sheegay in qoridabadii ay la dheceen wariyahaasi, iyaga markii danbena jeelka Xariirad u taxaabay.

Wariye Maxamed Cawaale ayaa ku guddo jiray shaqadiisa saxafinimo isaga oo wakhtigaasi doonayey isaga iyo suxufiyiin kale in ay war ka duuban Odeyaashi guurtida ahaa ee Heshiisinayey labada belood ee dirirtu u dhaxaysay.

Wakhtigaasi oo ay odeyaasha  guurtida ahi ku sugnayeen Xarunta laanta socdaalka ee Xariirad oo ay degen yihin kuwaasi oo wariyashuna damceen in ay warar ka duuban  balse ay iska hortistaagen Ciidanka RRU-da oo ilaalinayey odayaasha, iyada oo  markii danbe ay ciidanka RRU-da Si arxandaro ah u dhibaateyeen wariyahaasi iyo Suxfiyin kale oo iyana ay soo gadheen dhawacyo sahlani.

Ciidanka RRU-da ayaa Dhibaato weyn ku haya Shacabka iyo Suxufiyiintaba iyada oo mar walba ay Dhib u geystan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com