Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay Todoba Qodob Oo Lagaga Hawlgelayo Hoos U Dhiga Marxaladda Uu Dalka Ka Marayo Cudurka HIV-AIDS.

(maantasomaliland):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku dhawaaqay Todoba qodob oo lagaga hawlgelayo hoos u dhiga marxaladda uu dalka ka marayo cudurka HIV-AIDS.

Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo Warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukusse) ayaa socdaalkiisu ku wajahnaa xog ogaal u noqoshada xaaladda komushinkaasi oo uu ka yahay mas’uulka u sareeya.Xoghayaha fulinta ee xafiiska Komishinka Qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa kulankaasi ka sheegay in HIV/AIDS-ku yahay xanuun ka jiray Somaliland tan iyo dhammaadkii sagaashanaadkii hase yeeshee aanu illaa hadda gaadhin marxalad baahsan,inkastoo uu ka soo talaabay marxaladii hoose, loona baahan yahay in hoos loo dhigo maadaama uu hadda marayo 0.1%.Aids-1 aids4
“Komishinka la dagaalanka AIDS-ku wuxuu u xil-saaran yahay mas’uuliyadda hawlaha shaqo ee lagaga hortegayo lagulana dagaalamayo fiditaanka HIV/AIDS-ka,”Ayuu yidhi xoghayaha fulinta ee komishinka AIDS-ka Qaranka Md. Cabdi Cali oo sidoo kale tilmaamay inay xafiis ahaan isku dubbaridaan hay’adaha gacanta ka gaysta hawshaasi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah gudoomiyaha xafiiskaasi ayaa munaasabaddaasi ka sheegay in HIV-AIDS la ogaaday sanadkii 1980-kii illaa xiligana uu ku fidayey dunidda, beesha caalamkuna ay taag iyo tamarba isugu gaysay sidii xanuunkaa wax looga qaban lahaa, iyadoo laan u qaabilsan xanuunkan loo sameeyey hay’adda qarramada midoobay ee UN-AIDS, taasoo uu madaxweynuhu ku sheegay inay shaqadeedu tahay sidii loo ururin lahaa xogaha ku saabsan cudurkan iyo sidii waxyeeladiisa looga wacyigelin lahaa dhamaan bulshooyinka dunida ku dhaqan, hay’adaasina ay u xilsaaran tahay raaditaanka dawo lagaga takhaluso Cudurkani.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay in qofkii ugu horeeyey ee reer Somaliland ah xanuunkaasi laga helay sanadkii 1992-kii dabeedna ay jamhuuriyadda Somaliland go’aansatay inay cudurka ula dagaalanto si la mid ah sida ay bulshada caalamku ula dagaalamayso, aasaasidii komishinka qaabilsan la dagaalanka iyo wax ka qabashada HIV /AIDS-kuna ay tahay mid ka mid ah talaabooyinka ay Somaliland ka qaaday xakamaynta cudurkani.
Dhanka kalena Madaxweynaha JSL waxa uu soo jeediyey inay lagama maarmaan tahay in awooda la isugu geeyo wax ka qabashada xanuunkan si aanu u gaadhin marxaladda khatarta ah ee loo yaqaano marxaladda baahsan taas darteedna Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu baaq u dirayo muwaadiniinta reer Somaliland iyo beesha caalamka sidii ay gacan u siin lahaayeen komishinka AIDS-ka qaranka si ay ugu suuro gasho inay hoos uga sii dhigaan marxaladda uu marayo HIV.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu halkaa kaga dhawaaqay go’aamo xukuumaddu kaga qayb qaadanayso la dagaalanka fiditaanka HIV/AIDS kuwaasoo kala ah:-1.Madaxweynaha Somaliland waxa uu cadeeyey in miisaaniyadda 2014 Komishinka AIDS-ka Qaranka loogu darayo xadiga ugu badan ee suurogal ah.

2. Madaxweynaha Somaliland waxa uu ballanqaaday in la fududaynayo qorshaha lagu soo ururinayo xogta lagama maarmaanka u ah la socodka cudurkan lana gaadhayo deegaanada ay khatartiisu ugu badan tahay.

3. Madaxweynaha Somaliland waxa uu faray wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta inay gacan ka siiso komishinka AIDS-ka hawlaha wacyigelineed ee ay ka wadaan xanuunkaasi.

4. Madaxweynaha Somaliland waxa uu faray wasaaradda dib u dejinta inay ka fuudh yeesho deeqaha caalamiga ah dadka la nool cudurkaasi.

5. Madaxweynuhu waxa uu faray komishinka AIDS-ka qaranka inay dadka baraan in aanay ceeb ahayn inay iska baadhaan cudurkani, taasoo uu madaxweynuhu ku sheegay in loo baahan yahay inay hormuud ka noqdaan madaxda dawladda, aqoonyahanada iyo ganacsatada waaweyni.

6. Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka codsaday ganacsatada waaweyn inay gacan ka gaystaan dhaqaalaha lagaga hortegayo fiditaanka HIV halka sidoo kalena uu madaxweynahu ka dalbaday ha’yadaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh xafiiska Komishinka AIDS-ka inay labanlaabaan taageeradooda.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com