Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) Ayaa Kulan Uu Maanta Ku Qabtay Xafiiskiisa Waxa Uu Kaga Hadlay Khasaaraha Ka Dhasha Shilalka Waddooyinka Iyo Saamaynta Ay Arrintaasi Ku Keento Wasaaradda Caafimaadka.

xaglo1(maantasomaliland):-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa kulan uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay khasaaraha ka dhasha shilalka waddooyinka iyo saamaynta ay arrintaasi ku keento wasaaradda caafimaadka.

Kulanlkan oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiir Ku-xigeenka wasaraddaasi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamuud Axmed Jeeniyare, Maayorka Degmada Gebiley, Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda hawlaha guud iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Dr. Cabdilahi Cabdi Yuusuf Agasimaha xog ururinta ee wasaaradda caafimaadka ayaa si faafaahsan uga waramay khasaraha ka dhasha shilalka gaadiidka gaar ahan lixdii bilood ee u dambeeyey sanadkan 2013-ka, isagoo cadeeyey in ugu yaraan 1302 ruux ay ku dhaawacmeen, 32 ruux oo kalen ay ku dhinteen, tiradan oo ah inta sida rasmiga ah u soo gaadhay wasaaradda caafimadka.

Dhanka kalena isla kulankani waxa lagu gorfeeyey shilalka wadooyinka iyo meelaha ay inta badan ka dhacaan.

Wasiirka wasaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed, ayaa kulankaa ka sheegay inay samaynayan guddi isku dhaf ah oo ka kooban dawladaha hoose, Badhasaabada goboladda dalka iyo wasaaradda caafimadka si loo dejiyo qorshe si deg-deg ah loogu gurman karo marka ay shilalku dhacaan, loona dejiyo hanaan lagu yarayn karo shilalka noocas ah.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com