Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Talyaaniga ayaa ayaa Sabtidii shalay badbaadiyay 200 oo tahriibayaal ah, kuwaas oo ay ku jireen kuwo reer Somaliland ahi.

tahriibJLIH;L(maantasomaliland):-Ciidamada Talyaaniga ayaa ayaa Sabtidii shalay badbaadiyay 200 oo tahriibayaal ah, kuwaas oo ay ku jireen kuwo reer Somaliland ahi.Tahriibayaashan oo ka tagay xeebaha wadanka Liibiya, ayaa 116 ka mid ahi waxay badankoodu ahaayeen Somali, waxaana ku jira kuwo reer Somaliland ah oo laba habeen ka hor ka baxay wadanka Liibiya. 116-ka tahriibe ee ay ku jireen kuwa Somaliland u dhashay waxa badbaadiyay Markab iyagoo biyaha dhex heehaabaya ka dib markii ay u dirsadeen qayla dhaan, waxaanu Markabkaasi geeyay jasiirada Lampudesa.

Koox Tahriibayaal ah oo reer Somaliland ah ayaa laba habeen ka hor ka baxay biyaha Liibiya, waxaana la waayay warkooda meel ay ku dambeeyeen.

Hase yeeshe shalay ayaa la ogaaday inay bad qabaan ka dib markii ay ciidamadda badda ee Talyaanigu ka soo qaadeen sawiro islamarkaana baahiyaan in la badbaadiyay dadkaas oo la sheegay in qaar ka mid ahi ay ku jireen xaalad miyir doorsoon ah.

Sidoo kale 100 kale oo tahriibe oo u badnaa Afrikaan ayay iyagana ciidamada badda ee Talyaanigu isla shalay badbaadiyeen.

Dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa ayaa sannadkan 2013 si weyn uga haajiray wadanka ka dib markii ay ka niyad jabeen xaaladaha dhaqaale iyo shaqo abuur ee wadanka, waxaanay qaar badan oo ka mid ahi ku geeriyoodeen saxaraha, halka ay kuwo kalena biyaha ku dhex le?deen.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com