Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanu cisbitaalka Burco u xidhmi doonin Ha’yadii MSF ee ka baxday dalka, waxaanu tilmaamay in Somaliland oo isku tashanaysaa ay buuxin doonto kaalintii ay ugu jirtay.

SAMSUNG DIGITAL CAMERA(maantasomaliland):-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanu cisbitaalka Burco u xidhmi doonin Ha’yadii MSF ee ka baxday dalka, waxaanu tilmaamay in Somaliland oo isku tashanaysaa ay buuxin doonto kaalintii ay ugu jirtay.

“Waanu u baahan nahay caawimadda iyo gacan-qabashadda Hay’adaha Waanan uga mahad-celinaynaa wixii ay qabatay MSF Wakhtigii ay nala shaqaynaysay, balse waanu ka xun nahay in ay dalkayaga uga baxday wax aan na khusayn, waxaanse ku kalsoon nahay in dadkayaga iyo dawladooda oo iskaashadaa ay buuxin doonaan kaalintaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal arrintaasi uu kaga dareen celinayo ku baahiyay Mareegtiisa guusha.com

Wasiirku waxa uu sheegay in cisbitaalka Burco uu Ha’yadda MSF horteedna jiray, waligiina jiri doono. “Waxaa laga jooga maalmo kooban ka dib markii Hay’adda Gargaarka ee MSF ay gabi ahaanba joojisay hawlihii gargaarka caafimaaad ee ay ka haysay Dhakhtarka Burco, waa tallaabo ku soo boodo ku noqotay shacabka ku dhaqan Burco iyo guud ahaanba Somaliland, balse aan marnaba ka naxin karin qaluubta dadka Alle ku xidhan, aan waxba u dhimi karin rajada iyo hawl maalmeedka dhakhtarka Burco, waa tallaabo kaliya inoo kordhinaysa hal adayg iyo isku duubni, waxaan leeyahay dhakhtarka Burco MSF horteedna wuu jiray, Hadana uu jiri waligiina uu jiri doona Inshaalaahu.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in Ha’yadaasi ay Somaliland uga baxday wax aan khusayn, waxaanu balan qaaday in Somaliland oo isku tashanaysaa ay buuxin doonto kaalintii ay ugu jirtay,waxaanu yidhi “Waa xaqiiq iyo wax aan indhaha la iska qaban karin Mudadii MSF inala shaqaynaysay waxtarkii iyo garabkii ay ina siisay balse waan ka xun nahay in ay dalkayaga uga baxday wax aan na khusayn digniin iyo diyaar garow la’aan.

Waxaanu ka dawlad ahaan diyaar u nahay in aan buuxino inta uugu badan kaalintaa inagu soo baylahday, balse waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in Bulshada qaybaheega kala duwan sida ganacsatada, shaqaalaha iyo Dhakhaatiirtuba ay ka qayb qaataan in ay dadkooga jilicda-san ay la garab istaagaan maal, maskax iyo Muruqba.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shacabka reer Burco waxaan leeyahay hadii MSF baxday Dhakhtarku Dumi Maayo loona dhiman maayo, Ajal baa loo dhintaa, Alle Ina Caawiya waan leenahay, shacab isku filan oo is garab istaaga way inoo joogaan, Dawlad shacabkeega ku Filana waan haysanaaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu. Shacabka Somaliland waxaa soo martay marxalado ka adag kana dhib badan in ay Hay’ad bixitaankeedu wax u dhimi karto Himiladooda iyo Kalsoonida ay marwalba iyagu isku qabaan waxaan leeyahay “Hadii MSF baxday dadkii reer Somaliland wuu jiraa, Dawladii Somaliland way joogtaa, dadkii reer Burcana may dhamaan” taas haku qalbi qabowsadaan dadkeena la itaal daran caafimaad darada iyo inteena kaleba.”

Dalkaneena Somaliland waa dal isagoon Ictiraaf haysan isagu isku tashaday oo maalinba maalinta ka dambaysa Horumar ku talaabsada oo Miisaniyadiisu kor u kacdo oo aan u liicin cid baa baxday iyo cid baa soo gashay.Ugu dambayn waxaan leeyahay aan ku qaabilno dhacdadan Niyad Sami, isku duubni, iyo in aan meel uuga wada jeesano, taasi ayaan ku buuxin karnaa Kaalintaa inagu banaanatay,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com