Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Mayorka Magaalada Balligubadle Md Cabdi Iimaan Jaamac (Gurey) Ayaa Maanta Bilaabay Hawlgal Balaadhan Oo Dib Loogu Deegaamaynayo Tuulooyin Iyo Deegaamo Ay Waxyeeleeyeen Daadadkii Ka Dhashay Roobabkii U Dambeeyey.

Maayarka-Bali-Gubadle(maantasomaliland):-Wefti balaadhan oo uu horkacayo Mayorka magaalada Balligubadle Md Cabdi Iimaan Jaamac (Gurey) ayaa  maanta bilaabay hawlgal balaadhan oo dib loogu deegaamaynayo tuulooyin iyo deegaamo ay waxyeeleeyeen daadadkii ka dhashay roobabkii u dambeeyey.

Mayor-ka iyo hawlwadeenada la socda ayaa gaadhay tuulooyinka ay ka mid yahiin Xaabaale, Darfacle, habaas-weyn oo mudadii sadexda sanadood ahayd ee u dambaysay ay  daadadku jiidheen waxyeelana u gaysteen.

Sida uu ku waramayo weriyaha Gobolka Hawd Axmed Maxamed Cawaale Weftiga mayorka wehelinaya oo uu ka mid yahay xoghayaha dawlada hoose ee  degmadaasi C/kariin C/raxmaan Madar iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ayaa kulamo la yeeshay dadweynaha ku dhaqan deegaamadii ay soo mareen iyagoo isla qaatay sidii looga guuri lahaa tuulada biyo mareen-ka ah ee Darfacle iyadoo loo sahamiyey meel labo KM u jirta oo taago sare ah si mustaqbalka looga badbaadiyo dhibaatooyinka ay daadadku sababaan.
Dhanka kalena Mayor-ku waxa uu ugu baaqay dadweynaha deegaamadaasi inay iska bixiyaan cashuuraha berriga ee dhowaan ku waajibaya dhulka beeraha ah, halka sidoo kalena uu ku dhiirrigeliyey hawlwadeenada cashuurahu inay gutaan waajibaadkooda shaqo.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com