Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Afhayenka Xisbiga Ucid e Gobolka Saaxil ayaa ku Eedeyay Xukuumada Somaliland in ay Holinayso ama Qabanqaabinayso Shirwayne Beesha Ciise Muuse ah o Lagu Masaxyo Laguna Baaabi,inayo Gududii Lagu soo Doortay Dubur e Beesha Degaamada Gobolka Saaxil.

u_108893d_2013-8-26-7-47-11f_CIISE1(maantasomaliland):-Afhayeenka Xisbiga Ucid e Gobolka Saaxil Bootaan Guuleed Axmed Ayaa shirjraid o u manta ku qabtay magaalada berbera waxa uu ka hadlay Shirarka Dhawaanahan ay magaalada hargaysa ku qabsanayeen Odayaal dhaqameedka Gobolka saaxil Kuwaasoo Sida uu Sheegay afhayeenku Wajiyo Badan lahaa,

Af Hayeenka Xisbiga Ucid e Gobolka nsaaxil waxa uu si gaara uga hadlay shir maalintii shaly ahaaa ay wada yeesheen qaybo kamida Odayaasha Gobolka saaxl  kuna qabsadeen magaalada hargaysa ,Waxaanu yidhi, Waxa aan uga digayaa Odayaasha ku Fakiraya in ay masaxaan  meeshana ka saaraan Gudidii   Beel waynta Ciise muuse ku dooratay Deegaanka Dubur  in ay la kulmi doonaan caqbado xun o mushtamacooda ay kaga dhexbaxayaan , waayo shirkaa dubureed waxa u ahaa mid ka turjumayay  siddi Gobolkan loo Horumarin lahaa dhinacyada waxbarashada  iyo  Caafimaadka, maadaama ay aad uga hooseeyeen  Gobolada kale e somaliland  wax siyaasadana aanu ku luglaheyn,

Xukuumada somalilnd na waxa aan ugu baaqyaa in ay ka digtoonaato farhana aaanay la galin arimaha Odayaasha dhaqanka e gobolka saaxil  Sababtoo ah waxa so ifbaxaya wararka sheegaya in Xukuumadu ay Holinayso shir wayne Beesha Ciise Muuse ah o Lagu Masaxayo Laguna kala Qaybinayo  Shirwaynihii Dubureed  e Gidida Odayaasha Dhaqanka eHoromarinta Gobolka saaxil Lagu Doortay.

Afhayeenka Xisbiga Ucid Waxa kale o uu Baaq u diray Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Gobolka saaxil iyo salaadiinta, Cuqaasha  iyo Waliba Aqoonyahanka  Reer Saaxil  Waxaanu Yidhi ,

Waxa aan Idiinka Digayaa igana Dardaaran ah in Talada Gobolkan saaxil  aydaan bohol  ka tuurin oo  Salka Loo Dhigo Gacmo Kalena aanay Idin Adeegsan  ,Waayo inta laysku kiin khuukhinayo arimuhu waa halis, Shacabka gobolka saaxilna waa dad reer somaliland ah Dawladnimadana jecel iyo wax wada lahaanshaha  sidaa laajigeed Idnka ayay Gacmihiina ku jirtaa wanaag oo dhan  qaranimada somaliland o la Ilaaliyaa iyo midnimadeedaba.

Alaa Mahadleh

Afhayeenka Cisbiga Ucid e Gobolka Saaxil

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com