Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa dowladda Suuriya ku eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikadda.

suuriyaUsa-(maantasomaliland):-Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa dowladda Suuriya ku eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikadda.

John Kerry ayaa sheegay in dowaladda madaxweyne Bashar Al Asad ay adeegsatay gaaska sunta ah oo toddobaad ka hor lagu weeraray duleedka Dimishiq, caasimadda dalkaas.

Tallaabo militeri
Weriye ka tirsan BBC-da oo jooga Washington ayaa soo sheegaya in maammulka Obama uu u muuqda in uu u durbaan tumayo in uu qaada tallaabo milateri oo ka dhan ah Suuirya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo baarayaal ka socda Qaramada Midoobay ay baarayaan goobta la sheegay in lagu weeraray hubka kiimikada, duleedka magaalada Dimishiq.

Maalintii Isniinta ayay kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay billaabeen inay baraan goobtaas la sheegay inuu ka dhacay weerarka kiimikada.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com