Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa aan saaka idinku yeedhay in aan u jawaabo faysal cali waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo ninka la yidhaahdo Cali Guray oo isna xisbigaasi ka tirsan oo sidaad ka warqabtaan beryahan caadaystay waxyaabo ay ku dheleecaynayaan Xukuumada iyo Madaxweynaha.

AXMED-SALEEBAAN-DHUXUL-298x300(maantasomaliland):-Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo uu deel-qaaf ku tilmaamay oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa sadexaad Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray.

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa soo bandhigay fadeexado taariikhi ah oo ku taxan siyaasadda iyo dhaqammadda Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo uu ku eedeeyay inuu ku markhaati furi jiray aqoon-yahankii UFO Iyo mujaahidiintii ka dhiidhiyay dulmigii lagu hayay shacbiga Somaliland.

Mr. Dhuxul oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyay qasdiga uu shirka jaraa’id u qabtay, waxaanu yidhi “Waxa aan saaka idinku yeedhay in aan u jawaabo Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo ninka la yidhaahdo Cali Guray oo isna xisbigaasi ka tirsan oo sidaad ka war-qabtaan beryahanba caadaystay waxyaabo ay ku dhaleecaynayaan Xukuummadda iyo Madaxweynaha. Waxay ahaayeen Hadalo deel-qaaf ah oo qof masuul ahi aanu ku hadli Karin. qofkasta oo masuuliyad sheeganaya masuuliyad ayaa saaran, masuuliyadda saaranina waxa weeyi in hadalkiisu tudhaale yeesho oo hadalkiisu qiimo yeesho in waxa uu sheegayaa ay noqoto wax dhab ah oo ay ummaddu qaadan karto.”

Afhayeenka madaxtooyaddu waxa uu ku eedeeyay Guddoomiye Faysal inuu guusha u yaqaano guul-darro, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal CalI Waraabe isaga oo madaxweynaha wax ka sheegaya waxa uu yidhi waxa uu ku fashilmay hoggaamintii SNM, waxa uu ku fashilmay ayuu yidhi hogaaminta Somaliland, Guusha ayuu fashilaada u yaqaana Faysal. Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland waa la ogaa oo SNM waxa uu soo hogaamiyey mudadii ugu adkayd iyo wakhtigii ugu adkaa ayuu SNM soo hogaamiyey Guushii SNM ka dhalatay waa guushii qarankan Somaliland uu maanta ku taagan yahay. waa guul uu hormoodka ahaa habeen iyo maalin waa guul uu mudadii uu hogaaminaayey SNM ku hogaamiyey, Wakhtigii ugu dheeraa ayuu SNM soo hogaaminaayey, wakhtigii hawl-galada ugu badan ay qaaday ayuu SNM soo hogaaminaayey, maanta inuu yidhaahdo Faysal Cali Waraabe hogaamintii ayuu ku fashilmay Madaxweyne Silaanyo waa nasiib darro.”

“Ummaddu aad ayey u dul-qaad badan tahay in uu Faysal Cali Waraabe, ummaddan dhex joogo oo ay u dul-qaadato oo ay weliba qadaf iyo meelka dhac uu ula yimaado aad ayey ummaddani ugu dul-qaad badan tahay kuwii guusha u keenay qarankan kuwa guusha ku hogaaminaayey qarankan markuu ku nisbaynaayo kuwo fashilmay waa la yaab,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Faysal waa la ogaa oo xisbi ayuu sameeyey la yidhaah UCID oo doorashooyin ayuu u soo galay dalka oo laba jeer ayuu tartanka ka qayb-galay, mar walba sida u caadada ahayd Faysal Cali Waraabe xaga danbe ayuu ku hadhi jiray intaan lagu dhawaaqin natiijada mar walba waxa uu isku deyi jiray in labada xisbi kolba kii uu is yidhaahdo wuu guulaystay inta uu u tago in uu yidhaahdo aan ku markhaati furee ii celi lacagtii igaga baxday Ololaha.”

“Markhaati furku arrin u caado ah weeye illaa UFFO oo uu surin walba, Dariiq walba la taagnaa taasi ceebtiisa maaha waa arrin uu caan ku yahay, waa arrin uu ogyahay.Maanta marka uu leeyahay madaxweynaha iyo SNM tii ayaa lagu fashilmay isagu wuu jeclaa inay SNM fashilanto waayo? Isagu Colkii kale ayuu ahaa, qofkasta oo aan SNM rabitaankeeda iyo horu socodkeeda doonaynina waxa uu ahaa mid ka soo horjeeday wixii ummaddani ay ku burburtay wixii ummaddani ay isku xoraysay wixii ummaddani lagu hogaaminaayey ee maanta milgaha iyo sharafta ummadda keenay,”ayuu intaas ku ladhay Mr. Dhuxul.

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu ku dooday in shacbiga Somaliland ay ku doorteen Madaxweyne Siilaanyo khibradiisa iyo aqoontiisa oo ay si weyn u yaqaaneen, waxaanu yidhi “Waxa aynu ogayn shacabka Somaliland iyagaa kala doortay madaxdooda waa la tartamay rajadda ay shacabka Somaliland u hayeen Madaxweynaha Somaliland, aqoonta ay u lahaayeen, sida ay u yaqaaneen qof wax hogaamin kara oo wax dhisi kara oo qaran dhisi kara ayaa shacabka Somaliland Rabitaankiisa ay ku saleeyeen doorosho ay ku doortaan Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).”

Afhayeenku waxa uu intaasi ku kabay “Waxaan saxaafadda waydiinayaa iyo shacabka Somaliland kana markhaati yihiin Guul-darro ma waxa ay timaadaa marka wixii 20-ka sanno la sugaayey ee qarankani uu sugaayey ee darajadeena iyo sharafta ummadda iyo karaamada ay huwan yihiin Ciidamadda qaranka loo dhamaystiray derajoyinkii, ayey fashilaadi timaadaa, bal is waydiiya waxa qarankan lagu kordhiyey waxa uu qof waliba garan karaa haddii uu qiimeeyo meelihii ay dawladihii horena waxba qabanin, laakiin wixii la soo qabtay 19 Sannadood iyo wixii ay xukuumadani qabatay way cadahay in waxa ay xukuumadani qabatay ay xoog iyo xoog uga badan tahay.

Waxa xaqiiq ah haddii ay noqoto siyaasadda Arrimaha dibeda, haddii ay noqoto amniga dalka, haddii ay noqoto dhismaha ciidammada iyo derajo siinta, haddii ay noqoto horumarinta dalka, haddii aan tusaale u soo qaato saddexdaa sano ee ay xukuumadani jirtay waxa la dhisay 343 waddo oo laga dhisay dalka, horumarku ma Guul darraa?, Faysal iyo Cali horumarka ayey guul darrada u Yaqaaniin.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland sharaftii ay ummaddani u doorteen ayuu ku hogaaminayaa, sharaftii ay ummaddani ku doorteen ayuu wax ku qabanayaa, sharaftii uu ummadda uu ku dhex lahaa iyo hogaamiyenimadii uu SNM ku soo hogaamiyey ee ay ku timid guusha aynu maanta joognaa,”ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenka madaxtooyadda oo daba socday eedaymo ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf, waxa uu yidhi “Ninka la yidhaa Cali Guray sidaan horeba u sheegay dhawr xisbi ayuu isu maray oo kolba xisbi ayuu hubiyaa oo uu ka tagaa imika UCID ayuu joogaa, Cali Guray mar walba waad aragtaan in uu wax caayo mar walba waxa aad aragtaan inuu wax dhaliilo, weligii Cali Guray caydaa uu madaxda iyo hogaamiyeyaasha uu caayayo haddii ay nasteex ka tahay, haddii ay wadaninimo ka tahay, haddii ay ka tahay inuu qarankan in uun u tudhayo weli ma ku aragteen tallo uu ku bixiyo waxaa uu dhaliil sheegayo qofku haddii uu dhaliil sheegayo oo uu muwaadin yahay, haddii uu xilkas yahay, haddii uu waxgarad yahay wuxuu ku daraa waxaaasi iyo waxaasi ha la toosiyo, wuxuu ku daraa waxaasi iyo waxaasi waa la qabtay.”

“Cali Guray cayda, xanta kuwa karaamaysan ee ummadda hogaaminaya ayaa risiq u noqotay inuu quuto, bil macna kelima Cali Guray maalin walba caydaa uu joornaalada uu ku qorayaa waa u risiq waa laga yaaba in ay dad ka danbeeyaan oo Caliyoow sidaasi dheh ay yidhaahdaan ee fikir isaga ka yimid iyo wax isaga ka soo go’ay-ba aanay ahayn ee uu addeegsi ku yimid, isaga waxa aan leeyahay iyo Faysalba xukuumadan masuuliyad ayaa ka saaran dalkan, iyadaa loo igmaday iyadaa loo doortay in ay masuuliyadda ummadan ay hayso xukuumaddaas loo doortay,”ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul.

Afhayeenka madaxtooyaddu waxa uu Cali Guray ku misaalay qof u baahan goobaha lagu nasiyo dadka waalanaya, waxaanu yidhi “Cidii u baahan nasasho goobaha nasashada ee dadka lagu dejiyo dadka fududaadayna xukuumadu iyadaa masuul ka ah dadka noocaas ah inay geyso goobaha dadka lagu xanaaneeyo wakhti suuq lagu sii daayo waabay dhaafeenba.

Marka qofku masuul sheeganayo ee uu caytamo masuuliyadisii way dhantaalantay xilka dawladda ka saarani waxa weeyi in goobaha nasashada la geeyo bal in uu isbedel ku yimaado xaqiiq weeyi.”

“Shacabka Somaliland waxa aanu ugu hambalyeynaynaa oo ay runtii karaamo iyo sharafba ku mudan yihiin sida xilkasnimada ah cida dhac-dhaca iyo hagardaamada in ummaddani ay kala tagto jecel aanay u dhegtaagin.

Kuwa u baahan in ummadda laga qabto ummadda laga xafido shacabka Somaliland way og-yihiin iyagaa rabitaankooda ciddii ay doonayaan inay hogaamiso ku doortay iyagaa ku bar-bar taagan. labadaas nin bal u fiirsada in aaanay dal iyo dad waxa ay u tudhayaan jirin oo aanay lex-jeclo ka hayn mar walba waxa ay ka hadlaan oo ay caayaan Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka mid yahay Wasiirrada Somaliland haddii ay og-yihiin wakhtiga uu shaqada soo galo iyo wakhtiga uu shaqada ka rawaxo haddii ay og-yihiin qof binu-aadam ah oo damiir lihi ereyo noocaasi ah uma uu quudheene’ ee intuu halkan ugu yimaado ayuu hambalyeyn lahaa, xilkasnimo ayuu muujiyey xilkii madaxweynuhu u igmaday inuu si muwaadinimo ah uga soo baxo, si qadarin leh uga soo baxo, si qiimo leh uga soo baxo, qofkaan ummadda karaamayn illaahayna ma karaameeyo, Xirsi ummadda wuu karaameeyaa qof weyn iyo qof yarba ummadda sharafteeda iyo karaamadeeda xaqiiq weeyi inuu karaameeyo laakiin kuwa aan ummadda karaamayn ee aan ummadda u tudhin cayda Xirsi iyo xanta Xirsi ay risiq u noqotay ayaa habeen iyo maalin ku taagan o iyagu wax ka sheegaya.

Shacabka Somaliland uma sheegayno imika kuwa aanu sheegayno ee waanu xasuusinaynaa uun in ay kuwii uun yihiin waxa amaan mudan inta marwalba garanaysa, fashilaadaha iyo rayiga xun ee ay marwalba is leeyihiin ummadda wax ku yeela, waxa la murmi doona kuwa noocaasi ah waxqabadka xukuumadu ay samaysay, wadadaa la sameeyey ama wadooyinkaa la sameeyey ayaa la murmi doona kuwa doonaya inay dadka marin habaabiyaan.”

“Waar maanta oo 10,000 oo Askari la siiyey derajadii ciidammadda oo la dhisay Airport-yadii dalka oo 343 wado la dhisay saddexdaa Sano oo 50 ceel oo riigag ah dalka laga dhisay oo boqolaal ardaydeena ahi ay waxbarasho bilaash ah wax ku bartaan oo siyaasadii arrimaha dibeda ee meesha ku xidhnayd la fasiray oo cid walba lala garnaqsaday oo shacabka Somaliland iyo Dawladnimada Somaliland uu muqaalkeedii iyo sharafteediiba ay soo baxeen miyey noqotay markaasi mid lagu dhaliilayo, xaraam xaasha lilaahi,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxa kale oo uu ku dooday in masuulkii dalkiisa uga tudha naxligu uu sharaf ka kasbanayo ILAAHAY iyo bulshadiisaba, waxaanu yidhi “Kuwa u taagan ee damiirkoodu aanu habeen iyo maalinba aanu ka seexan tallada ummadda iyo meeshii wanaagsan sidii loo marin lahaa ayaa ilaahay karaamo iyo sharaf siinayaa kuwa sidaasi u karaamaynaya ummadooda kuwa caayaya ayaa karaamo darro iyo sharaf darro ku dhici doontaa.Eraygaad odhanaysaan Qaranka uga tudha Eraygaad odhanaysaa Dadka uga tudha Eraygaad odhanaysaa haddii uu wax yeelayo qarankeena haddii uu wax yeelayo dadniamdeena haddii uu wax yeelayo dawladnimadeena qofku markuu tudhaale yeesho ayuu masuuliyad muujiyaa qof aan tudhaale yeelani waxba ma muujiyo.”

Ugu dambayn waxa uu Afhayeenka madaxtooyaddu sheegay in xiligii uu Guddoomiyaha UCID saaxiibka la ahaa Gaani inuu Madaxweyne Siilaanyo joogay duurka si uu dalkiisa u xoreeyo, waxaanu yidhi “Waa sidaasi aan sheegay waa markhaati furkaasi uu la taagan yahay habeen iyo maalin Faysal kuwii uu la taagnaa ee uu wax ka sheegayey waa kuwii aqoon yahanka ahaa ee u dhiidhiyey ummaddani ee taliskii iyo wixii lagu hayey u adkaysan waayey ee ay dhici lahayd in ummaddan dhibaato weyn loo geysan lahaa. Waa kuwii ku tal;o galay inay iyagu dhintaan oo ay ummadoodda badbaadiyaan si ay karaamo iyo sharaf u yeelato ayuu si loo dilo in kastay markii horeba ugu tallo-galeen in la dilo ayuu Faysal markhaati la hor istaagay, wuxuu yidhi Gaani ayaanu saaxiib ahayn, waxa uu yidhi waxa aanu saaxiib ahayn dad badan oo dadkan hadimooyin iyo dhib Ka galay, markaad kuwaasi saaxiibka la hayd, Siilaanyo hawd ayuu joogay, duurkuu joogay inuu dalkan Xoreeyo ayuu go’aan ku qaatay isagoo Wasiir ah ayuu ka tegay adna adigoon Wasiir ahayn ayaad la joogtay isagu isaga oo mansab iyo sharaf haysta ayuu ka tegay oo uu qaranka difaaciisa iyo in dalkani uu qaranimadiisa inuu la soo noqdo u tabaabushaystay.”

“Cali Gurayna waxa aan ku gebegabaynayaa oo aan leeyahay adiga caydaada iyo xantaada kuwa masuuliyadda ummadda haya ee aad habeen iyo maalin caayeyso ee aad xamanayso ayaa risiq ku noqday inta ay kuwadana waynu eegi,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Axmed Saleebaan Dhuxul.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com