Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nabadaynta shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca badan keentay ee labada Beelood ee wada dega deegaanka Oog ayaa ku bilaabantay jawi fiican,

index9(maantasomaliland):-Nabadaynta shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca badan keentay ee labada Beelood ee wada dega deegaanka Oog ayaa ku bilaabantay jawi fiican, waxaana shalay la dhaariyay xidhayaasha labada beelood, halka laga go’aamiyay in labada dhinac keenaan toban xubnood oo u dooda labada beelood.

Sidoo kale waxa Ergada u soo gurmatay laga soo xulayaa toban Xeer beegti ah oo dhagaysata dooda labada dhinac si ay ugu gar-naqaan, waxaana loo balamay in hawshaas si dhakhso ah looga soo xulo Rag mudakar ah Madax dhaqameedka, Guurtida iyo dadka kale ee waxgaradka ah eek u sugan madasha labada Beelood lagu dhex dhexaadinayo.

Beesha Reer Iidle oo ka mid ah labada Beelood ayaa berri martigelisay dhamaan Ergooyinka iyo labada dhinac ee dirirtu dhex martay iyagoo u samaynaya kulan Duco ah  oo ay aasaas uga dhigayaan wadahadalada furmaya.

Xaaladda deegaankii ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa ilaa hada degan, waxaanay Xukuumadda Somaliland adkaysay Amniga deegaanka iyadoo shalay oo u danbaysay gaadhsiisay Ciidan Xoog badan oo ka tirsan RRU iyo SPU-da.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa isna wali dhex jooga deegaanka shaqaaqadu ka dhacday isagoo muujiyay xil kasnimo xukuumaddu ku dhex gashay labada beelood.

Si kasta ha ahaatee wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in rajada laga qabo colaadaasi in ay soo af-jarantaa tahay mid kalsooni buuxda lagu qabo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com