Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeys Ku Baxa Afka Ingiriiska The Horn Oo Faallo Ka Qoray Tirada Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Ballan Qaadyadii Siilaanyo Sameeyay Wakhtigii Doorashada

20130827024403(maantasomaliland):-Wargeyska The Horn,oo ah toddobaadle Afka Ingiriisida ku soo baxa Isniin kasta ayaa shalay qormadiisa tifaftirka wuxuu kaga hadlay tirada golaha wasiirada xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
Wargeysku wuxuu qormadiisaas ku sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland u muuqdo hoggaamiye ka baydhay balan qaadkiisii wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray ee ahaa inuu dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo leh. Waxaanu tifaftirka The Horn, is barbar dhigay tirada golihii xukuumadda ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ahayd 56 xubnood oo isugu jiray wasiiro, wasiir xigeeno iyo wasiirul dawlayaal, halka uu maanta Madaxweyne Siilaanyo saddexdii sannadood ee u horeeyay uu marayo 46 xubnood. Wargeysku, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa uu madaxweynihii hore ku dhaliili jiray inuu dalka u dhisay xukuumad tiro badan oo aanu dalku dhaqaale ahaan iska xejin Karin. “Waxay golhihiisa xukuumadda oo isugu jira Wasiiro, wasiir xigeeno iyo wasiirul dawlayaashu ay marayaan 46 xubnood. Bal hadda garab dhig xukuumadii u horaysay ee uu dhisay ee ka koobnayd 26 xubnood. Sidoo kalena waxaad garab dhigtaa Madaxweynihii hore ee uu dhaliili jiray oo ay xukuumadiisi dhacday iyadoo maraysa 56 xubnood.” Ayuu wargeysku ku yidhi qormadiisa Tifaftiraka.
Wargeyska, wuxuu tilmaamay mar haddii uu Madaxweyne Siilaanyo iyadoo ay laba sannadood u hadhsanyihiin uu marayo 46 gole xukuumadeed, inaan la biciidsan Karin inuu wakhtiyada u dambeeya xukuumadiisa magacaabo wasiirada baraagaha ama ceelasha iyo kuwa Adhiga. “Madaxweyne, waxyaabaha lagu garto hoggaamyaha wanaagsan waxa ka mid ah inuu ka dhabeeyo qawlkiisa iyo ficilkiisa.” Ayay jariirada The Horn ku tidhi qormadeeda tifaftirka.
Ugu dambayn, wuxuu wargeysku Madaxweyne Silaanyo u diray dardaaran ah inaanu dalku qaadi Karin xukuumad tiro badan, sidaas darteedna ay muhiim tahay inuu dib ugu noqdo dhismaha xukuumadiisa oo aad uga tiro badan xukuumadii u horaysay ee uu dhisay 28 Julay, 2010, oo ka koobnayd 26 xubnood.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com