Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Reer Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadda ay ku dhaqaaqday shirkad Sahamin shidaal ka bilawday deegaamadda Hawdka Somaliland.

3392(maantasomaliland):-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Reer Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadda ay ku dhaqaaqday shirkad Sahamin shidaal ka bilawday deegaamadda Hawdka Somaliland.Waxa uu xusay in ay tahay talaabo aan loo dul-qaadan Karin, waxaanu intaasi ku daray in aan dadka deegaanka laga shaqaalaysiinin isla markaana aan waxba laga weydiinin sahamintaasi.

Sidoo kale waxa uu dhambaal tacsi ah u diray dadkii dhawaan geeriyooday Dagaal laba beelood oo walaalo ah ku dhex maray Deegaanka Gawsa Weyne, halka uu soo jeediyay in wax laga qabto muran dhuleed oo ka taagan Sabo-wanaag.

isagoo hadalkiisa siiwata Hadii aan idiin kala sheego waxa aan marka hore doonayaa in aan ka hadlo shidaalka la doonayo in laga baadho Jiida Hawdka oo aad moodo in dadkii deegaanka aan wax wada tashi ah iyo wax wada hadal ah iyo wixii ay xuquuqda u lahaayeen aan la siinin, wajigoodii aan la marinin, ayaa waxa aan doonayaa in aan uga digo cid kasta oo isku dayda xuquuqda dadka in ay duudsiyaan ayaan doonayaa runtii in aan war bixin yar idinka siiyo” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu dhambaal tacsi ah u diray intii dhawaan ku dhimatay shaqaaqo laba beelood ku dhex martay deegaanka Gawsa Weyne “Waxa kale oo aan doonayaa in aan tacsi u diro dadkii dhawaan ku dhintay deegaanka Gawsa Weyne, waxaanan leeyahay intii dhimatay allah u naxariisto, dhaawacana waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu  caafimaad siiyo? ayuu yidhi

Dhinaca kale waxa uu soo jeediyay in wada hadal iyo sulux lagu dhameeyo muran dhuleed ka taagan deegaanka sabo wanaag.

Waxa kale oo aan baaq nabadeed u dirayaa oo aan iyadana leeyahay ha lagu dhameeyo wada hadal iyo wanaag, jiida Saba-wanaag´ intaas ayaan doonayaa in aan runtii maanta mariyo ama ka sheego hadhwanaagnews. Ayuu yidhi.

Mar aanu waydiinay bal deegaanka shiidaalka laga baadhayaa halka uu yahay waxa uu yidhi “Jiidaasi waxa weeye laga bilaabo Salaxley ilaa oodweyne inta u dhaxaysa, ayaa sida igu maqaalo ah laga baadhayaa shiidaalka, taasina waxa ay nagu noqotay runtii waxyaabo fajaciso ah oo cid wal oo masuul ah oo ay khusaysaaba is weydiin karo runtii.

Mar uu ka jawaabayay bal ogaantii cida shidaalkaasi qodaysa waxa uu yidhi “Walaahi maan garan laakiin sida la ii sheegay in niman diyaarado ay iska soo kaxaysteen jidadkii iyo wadooyinkii ciidamano la wato.

Dadkiina sidaas loo jiidh-jiidhayo, wax alaale wax lagala socodsiiyayna aanay jirin´

Isaga oo ka jawaabaya su´aal ahayd bal in ay cid iska argteen masuuliyiinta shirkadahaasi uu sheegay in ay shidaalka baadhayaan, waxa uu yidhi “Waan la xidhiidhnay oo waliba anigaygan (Boqor Raabi) ayaa la xidhiidhay runtii oo isku dayay in aan la xidhiidho cida masuuliyadaasi iska leh,way ila balameen, waanay igaga baxeen.

Dabadeedna runtii dareen badan ayaa igalay, sidaas daraadeed ayaan idiin soo wacay oo aan doonayaa in aan fariintaas u mariyo warbaahinta.

Mar uu ka jawaabayey bal dhinaca xukuumadda in ay cid iska arkeen “Xukuumadda cid iskamaanaan arag, laakiin cida hawshan wada ayay ahayd in ay iyagu deegaan walba cidbaa masuul ka ah ama deegaan walba waxa ay uu leeyahay cid lagala xidhiidho, hadii ay tahay shaqaalaha oo wax laga qabanayo, hadii ay tahay waxyaabaha ay xuquuqda u leeyihiin” Ayuu yidhi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com