Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qaraxyo Miino ayaa sida la sheegay maanta waxaa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

qarax_miino(maantasomaliland):-Qaraxyo Miino ayaa sida la sheegay maanta waxaa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal  la hadlay Warbaahinta Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qaraxan ciidamadda Dawladda Somalia lagula beegsaday Bar Kaantarool oo ay ku leeyihiin xaafadda Caymiska ee Degmadda Yaqshid ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana la sheegay in Rasaas xoogan ay fureen
qarax kadib inkastoo aan la ogeyn Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Rasaasaasi iyoQaraxyada galabta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay Xaafada Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xili Hay?addaha amaanka iyo Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ay ku fashilmeen Xal u helida falalka amaan darri ee ka dhaca Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com