Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

M/Xigeenka Puntland Oo Maanta Hadhka Shiid Lagaga Dhigay Iyo Socdaalkiisa Bari Ee Buuhoodle +Ciidanka Qaranka Oo Ku Ruqaansaday Jiida Buuhoodle.

ciidanka-qaranka-sland1(MAANTASOMALILAND)m/xigeenka puntland oo dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa degmada taleex ayaa warka naga soo gaadhay degmada taleex ay sheegayaan in maanta dadka ku nool degmadaasi ay shiid hadhka kaga dhigeen m/xigeenka puntland kuwaas oo ay soo abaabuleen maamulka khaatuma ee halkaa ka arimaya, intaa kadibna waxaa lagu celiyay qolka uu ka dagan yahay taleex.
Dhanka kale Wararka ka imanaya taleex ayaa sheegaya in ay halkaa ya soo gaadheen ciidan aad u tiro badan oo ka yimid magaalada garoowe oo la doonayo in ay madaxwayne ku xigeenka ay bari u galbiyaan dhankaa iyo buuhoodle.
Iyadoo jiida buuhoodlena laga soo sheegayo in ciidamada Somaliland ay ku ruqaansadeen jiidaa waxaana soorto gal ah haddii m/xigeenka puntland uu isku dayo in uu tago buuhoodle ay dhici karto iska hor imaad hor leh.
Dhan kale Somaliland ayaa hanjabaad culus hawada u marisay m/xigeenka puntland.
Si kastaba ha ahaate waxaan la saadaalin Karin haddii uu u socdaalo m/xigeenka puntland talaabada ay Somaliland ka qaadi doonto safarkiisa, taas oo la odhan karo socdaalkiisan oo ah socdaal tamashle ah oo uu doonayo in uu ku socdaalo carada Somaliland oo aan cidna la hadli Karin.

CABDILAAHI MUUSE
TALEEX
MAANTASD.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com