Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax cabsi iyo dhibaato ah midna ku haynin socdaalka uu madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ku yimid degmada Taleex. Isla markaana aanay u arkaynin socdaalkaasi mid macno samaynaya.

cadami1(maantasomaliland):-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax cabsi iyo dhibaato ah midna ku haynin socdaalka uu madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ku yimid degmada Taleex. Isla markaana aanay u arkaynin socdaalkaasi mid macno samaynaya.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo sugan magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in aanay wax wel-wel ah ku haynin Somaliland socdaalka uu Taleex ku yimid madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Axmed Xaaji Cali Caddami waxa uu tilmaamay in ciidammadda qaranka Somaliland ay si buuxda gacanta ugu hayaan dhul aanay hore u joogin isla markaana aanay jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan in maamulka Puntland iyo kooxda khaatumo midkoodna aanu weerar ku soo qaadi karin, waxaanu wasiir Caddami xusay inay tallaabo kasta oo dagaal lagaga baaqsan karo iyo wada hadalba ay dhinacooda diyaar u yihiin cidii taasi ku qanci waydana ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonaan.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Socdaalkan uu ku yimid Taleex madaxweyne ku xigeenka Puntland wel wel-kii shalay naguma hayso, waayo dhul aanaan hore u joogin ayaanu imika joognaa, wixii kasta ee ka yimaada qorsheheeda iyo mawqifka laga qaadanayo waa halkeeda, laakiin, cabsi kale oo jirtaa oo aanu isleenahay inta halkaasi laga soo dhaqaaqo ayaa meel kale la soo gaadhayaa maanta arrintu halkaa ma taagna balse wax alla wixii dagaal lagu baajin karo ee wada hadal iyo wanaag ah diyaar ayaanu u nahay, cidii taa ku qancin waydana diyaar ayaanu u nahay in aanu tallaabada ku haboon ka qaadno”.

Wasiir Caddami waxa kale oo uu sheegay in socdaalkan uu madaxwayne ku xiogeenka maamulka Faroole ku yimid Taleex in ay muujinayso isku soo dhawaansho cusub oo dhex-maray kooxda Khaatumo iyo Puntland, “Talaabadan cusubi waxay muujinaysaa isku soo dhawaansho dhex maray maamulka Faroole iyo kooxda Khaatumo, markii hore meel ayay ka taagnayd kooxda khaatumo dhinaca Somaliland iyo dhinaca Puntland, waxaanay hore u cadaysteen in aanay wada hadal nabadeed midna la gelaynin labada maamul” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhigu.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga, isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Annaga maanta tani way ka duwan tahay kuwii xiliyadii hore, markaan xagga diyaar garaw ahaan ka hadlo, doorkii hore ee ay meeshaa ku abuurantay kooxda khaatumo ee ay isku habar wacdeen way ka duwan tahay xagga Somaliland, wax badan is bedelayna way jiraan, ta koowaad waxay tahay dhul aynaan hore u joogin oo aanay ciidamadeenu joogi jirin aayay maanta joogaan, tallaabadda wakhtiyadii hore ee halkaasi shirarka lagu qabtay anaga niyad wanaag ayay naga ahayd si aan loo odhan shirkii ay beeshaasi iyo ummadaasi qabsanaysay ayaa laga burburiyay”.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com