Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta u mahad celiyey ergooyinkii goboladda Somaliland ee u soo gurmaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday degmooyin reer guuraa ah oo u dhexeeya deegaamada Gar adag iyo Oog.

Wasiirka-duulista21(maantasomaliland):-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta u mahad celiyey ergooyinkii goboladda Somaliland ee u soo gurmaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday degmooyin reer guuraa ah oo u dhexeeya deegaamada Gar adag iyo Oog.

Wasiirku waxa kale oo uu u mahadceliyey Ciidammadii Ammaanka sugayey iyo labadii dhinac ee u hogaansamay ergooyinkii nabaddaynta.

Wasiirka oo xafiiskiisa ugu waramayey Idaacadda Radio Hargaysa ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magca xukuumadda, ka mas’uuliyiinta deegaanadaas iyo ka shacabka Somaliland-ba uu u mahdcelinayo xukuumadda Somaliland iyo dadweynahii gobolada iyo degmooyinka ka soo kala gurmaday ee hawsha nabadaynta u tegay.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu xusay inuu ciidammada kala duwan ee ammaanka ku bogaadinayo sidii ay ugu heelanaayeen inay dadkooda kala badbaadiyaan oo ay muddo dheer dhaxanta u taagnaayeen sugida ammaanka deegaankii shaqaaqadu ka dhacday.

Wasiirka Duulistu waxa uu sheegay in hadda ay hawsha dhamaystirkeeda gacanta ku hayaan guddi dhexdhexaad ah oo u kala guraysa labada dhinac wixii loo kala xukumo, hase yeeshee ay marka hore si toos ah u wada hadlayaan labada dhinac wixii ku adkaadana ay ula soo noqonayaan gudida dhexdhexaadinta.

Md. Maxamuud Xaashi oo la hadlayey dadweynahii deegaanka shaqaaqadu ka dhcaday waxa uu u soo jeediyey inay nabadda ilaashadaan iskana dhowraan wax kasta oo wax u dhimaya.

Dhanka kalena, Wasiirku wax uu ammaan balaadhan u soo jeediyey warbahinta dalka doorkii ay ku lahayeen xallinta shaqaaqadaas.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com