Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Pontus Marine Oo Xafiis Ka Furatay Berbera

ccccccccccccc(maantasomaliland):-Shirkamadda Casriga ah ee kalluunka Pontus Marine LTD, ayaa maanta xarun ka furatay magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, munaasibadii furitaanka oo ku qabsoontay hotel Barwaaqo magaalada Berbera, waxa ka soo qay galay Maareeyaha Shirkaddan, Afhayeenka Madasha Wada tashiga Ibraahim dhega wayne, Salaadiini iyo xubno ka mid ah ganacsatada Berbera.

Xafladaas waxay ku soo bandhigeen qaabka ay shirkadda Pontus Marine doonayso inay uga hawl gasho Somaliland iyo qaabka lagu geli karo saamigeeda oo ay tilmaameen inay Umadda reer Somaliland u furan tahay.

Agaasimaha shirkadda Pontus Marine LTD Axmed Abubakar oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay shirkaddani noqon doonto mid ka hawl geli doonta Somaliland oo ay xarumeheedu noqon doonaan magaalooyinka Maydh iyo Berebra, isla markaana ay saamiyo ku yeelan karaan dadweynaha reer Somaliland, iyada oo saamiga ugu yar ee laga geli karaa uu yahay $500 Dollar oo dalka dadka jooga ah halka ay dadka dibedda joogaan ku geli karaan saamiga lacagta ugu yar $1000 Dollar.Agaasimaha shirkaddan, waxa kale oo uu sheegay inay hadda hayaan intii badnayd lacagtaasi iyada oo qorshuhu yahay in la helo lacag ka badan 5milan oo Dolar, waxaanuu xusay inay dhowaan si weyn u daah furi doonaan dhamaan dalka oo dhan. Shirkaddan ayaa ku tallo jirta in ay dalka debaddiisa u iib geyn doonta Kalluunka Somaliland oo ay la tartansiin doonaan kalluunka dunida, isla markaana ay sayladaha caalamka u iib gayn doonaan. sida uu sheegay Axmed Abokor, Khabiirro reer Yurub ah ayaa hogaamin doona shirkada.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi xafiiska kaga furanaysay shirkadda Pontus Marine LTD, ayaa ku bogaadiyey muwaadiniinta hindisay qorshahan ee umaddooda u soo bandhigay, waxaanu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay jaaniskaas ka faa’iidaystaan.

Dhinaca kale dadweynaha reer Somaliland ayaa ka faa’iidaysanaya jaaniska saamiga ay ku yeeshaan shirkadda Pontus Marine, iyada oo oo ilaa hadda is diiwaan geliyey dad ka badan boqol qof oo dalka gudihiisa ku sugan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com