Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MUCJISO:- Abuur Alle: Wiil 14 Jir ah oo Leh JiRka Qof 110 Jir ah DAAWO SAWIRADDA):-Sawiro

312(maantasomaliland):-Cudurka Progeria wuxuu sababaa in jidhka qofku coodh-coodho, araggiisu diciifo, wadne-xannuun qaado, sidoo kalena bidaar yeesho.

Wiil yar oo 14 jir ah, una dhashay dalka Hindiya ayaa jidhkiisu u egyahay muuqaalka qof 110 jir, kadib markii uu ku dhacay cudurka hidde-sidayaasha ku dhaca ee Genetic Disorder oo hore u dilay shan walaalihii ka mid ah, isla markaana 80 qof oo adduunka ah uun ku dhacay.

Cudurka asiibay wiilkan yar oo la yidhaa Mr. Cali Xuseen waxa uu hore u galaaftay shan carruur ah oo uu la dhashay, waxana loo yaqaan

Progeria, waana mid adduunka dhif ku ah, sida la sheegayna tiro aad u yar lagu arkay, kuwaasina u dhinteen.

Wiilkan oo qoyskiisu ku nool yihiin gobolka fuqaradu ku badan yihiin ee Bihar ee dalka Hindiya, ayaa qof kastoo arkaa waxa uu moodaa oday 110 jir ah.

Cudurka Progeria wuxuu sababaa in jidhka qofku coodh-coodho, araggiisu diciifo, wadne-xannuun qaado, sidoo kalena bidaar yeesho.

Qofka xaaladdan la soo daristo oo khubarada caafimaadku sheegaan in aannu noolaan karin wax ka badan 14 sanno, ayaa haddana Cali Xuseen tibaaxay in aannu isagu wax cabsi ah qabin.212 113 48

Waxaan doonayaa inaan noolaado, waxaanan rajaynayaa inay jirto daawo xaaladayda lagu daaweeyo. Dhimashada kama cabsi qabo, balse waalidiintay baa aad u dhibaataysan oo iga fikiraya, waxaanan jecelahay inaan waqti badan iyaga la qaato, wax culays ahna inaan ku hayo ma doonayo,? ayuu yidhi Cali oo xaaladdiisa ka hadlayey.

Aabbaha wiilkan oo la yidhaa Nabi iyo hooyadii Razia, waa ilmaadeer la isu guuriyey 32 sanno ka hor, waxaanay ubadkooda xannuunkani ku dhacaa marka da?doodu gaadho inta u dhexaysa 12 ilaa 24 jir.

Nabia iyo Razia waxay dhaleen siddeed carruur ah oo laba hablood oo keliya ka caafimaad qabaan.

Qoyskan waxa imminka gacanta ku haya ururrada deeqaha bixiya ee magaalada Kalkata, iyagoo xaaladda wiikooda aad uga welwelsan, laakiin isagu aanu rajo dhigin oo uu aaminsan yahay inuu maalin uun heli doono daawo.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com