Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Dalka Shiinaha

t4tertee(maantasomaliland):-Ilmo yar oo lix sanno jir ah oo ku dhashay Gobolka Shanxi ee dalka Shiinaha, ayaa la helay shalay isagoo bilaa indho ah, kadib markii ay xadeen koox tuug ah oo ka ganacsada xubnaha jidhka bani?aadamka.

Waalidiinta ilmaha yar ee labada indhood lagala baxay, ayaa saxaafadda u sheegay in wiilka yari ku ciyaarayey meel ka baxsan gurigooda markii la waayey, kaasoo saacado kadib laga helay isagoo ka ooyayey goob cidlo ah oo dhir ku taalay, isla markaana dhiig qariyey

wejiga iyo madaxiisa, kuwaasoo u qaatay inuu geed ka soo dhacay oo madaxa dhaawac ka gaadhay, balse markii cusbitaalka loola carayey ayey dhakhaatiirtu ku wargeliyeen in ilmaha yar lagala baxay labadii indhood, arrintaasoo waalidiinta ku noqotay naxdin iyo anfariir.

“Wejigiisa oo dhan dhiig ayaa qariyey, diirka sare ee indhihiisa iyo xiribihuba bannaanka ayey u soo baxsanaayeen, sunayaashii kumay oolin, arrintaasina waxay nagu noqotay naxdin,” sidaa waxa yidhi aabaha dhalay wiilka yar ee labada indhood lagala baxay oo dareen murugo lihi ka muuqday wejigiisa.

Ciidammada booliska dalka Shiinaha, ayaa abaal-marin gaadhaysa $16 kun oo dollar u ballanqaaday inay siin doonaan ciddii sheegta ama wax macluumaad ah ka keenta kooxda xubnaha jidhka ka ganacsadaha ee wiilka yar kala baxay labada indhood, iyadoo hadda ciidammadu gacanta ku hayaan ruux dumar ah oo looga shakiyey inay ku lug leedahay falka naxdinta leh ee ilmaha yar lagula kacay.

Dalka Shiinaha waxa aad ugu badan kooxaha tuuggada ah ee ka ganacsada xubnaha jidhka bani?aadamka, sidoo kalena dad lagu qiyaasay ilaa 300,000 (saddex boqol oo kun) oo qof ay cusbitaallada u jiifaan si loogu beero xubno qof kale laga saaray, iyadoo sannad kastana ilaa 10 kun oo qof lagu beero xubno bani?aadam oo cid kale laga saaray.

Dad aad u yar oo ka mid ah bulshada ku dhaqan dalka Shiinaha, ayaa ogolaada in marka ay dhintaan lagala baxo xubnaha jidhkooda si cid u baahan loogu caawiyo, iyadoo arrintaasina dhiirrigelisay inay samaysmaan kooxo tuugo ah oo ka ganacsada xubnaha jidhka bani?aadamka, kuwaasoo xubnaha dadka ku iibiya suuqa madaw, isla markaana ka hela lacag badan.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com