Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Oo Ku Waa Bariistay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Iyo Shaqaalihii Oo Naxdin Iyo Anfariir Ka Qaaday Kala Haada Wasiirka

20130828031921(maantasomaliland):-waxaa saaka arooryadii hore uu Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglotoosiye) Ayaa Halmar Ku Waa Bariistay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Cisbitaal Sacadu Markii Ay Ahay 5:20 Waxaana Arintaasi Layaab iyo Fajac Ay Ku Noqotay Shaqaalaha Cisbitalka Oo iyagu Aan Horay Uga Baran Wasiir Sidaas Oo Kale U Soo Kormeera hadaba wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray Kormeerkan Kadiska Ah Ayaa Mid Mid Ubooqday Xarumaha iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Uu Ka Kooban Yahay Cisbitalku
Wasiirka Ayaa Waxa Kale Oo Uu Saaka Lawareegay Oo Uu Fadhiistay Xafiiska Laga Qoro Shaqaalaha Soo Galaya iyo Kan Baxayaba Si Uu U ogaado Shaqaalaha Rasmiga Ah Ee Ka Shaqeeya Cusbitalka Arinkan Oo Ahaa Arin Aysan Horay Usamayn Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka Ee Somaliland Ayaa Noqday Arin Siwayn Uga Yaabiya Shaqaalaha Cusbitalka Wasiirka Ayaa Abaaro 11:00 Kabaxay Cusbitalka islamarkaana Sii Gudo Galay Hawlihiisii Shaqo Ee Wasaarada Caafimaadka.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com