Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan doonayaan inay aragti cusub u keenaan dadka iyo waxyaalihii ay arki jireen wax ka duwan,

 

Jamaal-Cali-Xuseen(maantasomaliland):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan doonayaan inay aragti cusub u keenaan dadka iyo waxyaalihii ay arki jireen wax ka duwan, isaga oo ku dooday mar haddii ay ku soo biireen Xisbiga  hor-dhicii beesha Arab inaan halkaas ka sii guuleysano ayaan jecel-nahay.

Md. Jamaal waxa tilmamay inay doonayaan inay bulshada Somaliland u keenaan aragti cusub waxaanu yidhi”Waxaan jecel-nahay inaan dadka aragti cusub u keeno, oo aan dadka u keeno waxyaalihii ay arki jireen wax ka duwan. Waxaan leeyahay haddii aan maanta beesha Arab hor-dhaceedii helay inaan aniguna aan halkaas ka sii arko guusha  ayaan jecelay oo aan ILAAHAY ka rajeynaynaa.”

Jamaal Cali Xuseen waxa  uu sidaa  ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad loo sameeyey masuuliyiin cusub oo Xisbiga UCID u magacaabay xilal iyo Xildhibaano Guurtida ah oo lagu soo dhaweeyey Xisbiga, kadib markii ay ku soo biireen.  Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi”Annaguna waxaanu doonaynaa calool wanaag iyo weji furan tusno oo marka horeba magacowno isla markiiba, oo aan tusno inaan Xisbiga UCID laga lahayn,Xisbiga UCID waa Xisbi qaran oo beelihii Somaliland oodhan way ku jiraan, waxaanan jecelnahay inaan beelkasta ku soo dhaweyno Xisbiga oo aanu Xisbigu ku suntanaan beelo gaara,haddii kale waxa uu noqonayaa Xisbi fadhiida oo aan weligii guuleysan annagu waxaanu halkan u nimid inaanu guuleysano oo aan umadda hagno”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu xafladan gaarka ah u sameynay inaan ku magacowno dar-dargelinta Xisbiga UCID inaan qaab-dhismeedkii Xisbiga UCID dib-u-dhisno. Annaga Xisbigayaga markaan qaab-dhismeedka dhameystirno inuu noqdo Xisbi umadda u keena aragti, uu keeno dhaqaale lugo ku taagan, nabad lugo ku taagan, iyo maamul-wanaag lugo ku taagan,inaan ilaalino ku tagri-falkii hantida umadda, oo Somaliland oodhan ay dadku mid noqdaan, oo aan dad wanaagsan siyaasada ku soo darno. Waxaanu jecel-nahay inaan markaasi u anba-qaadi karno inaan keeno ama aan halgan u galno inuu dalku ictiraaf helo. Ictiraafku iskama yimaado waxa uu ku yimaada dedaal, markaad wax sameysatid ayaad waddanka ictiraaf u keeni kartaa”

 

“Waxaan jecel-nahay inuu Xisbiga UCID noqdo mid guuleysta, ee aanu noqonin Xisbi mucaaridnimo uun ku hakada, maaha u-jeedadayadu inaanu mucaarid uun iska noqono.Dadka qaar ayaa mucaaridnimada u yaqaana in meelahaas la istaago oo dadka la caayo, mucaaridadu intaas way ka wanaagsan tahay,waxaana wanaagsan hadaad wax mucaarideysid inaad wax wanaagsan ku mucaaridid.Markaa aniga iyo intayada kale ee Xisbiga-ba ahi-ba ma jeclin inaan wax ceyno,waxaanu jecel-nahay inaan dadka hagaajino,meesha umaanaan imanin inaan dadka xoolahooda dhacno ee waxaanu u nimid inaan u shaqeyno”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.  

“Waxa la idinku xantaa beeshiinan nagu soo biirtey (Arab) inaad meesha aad tagtaanba dar-dargelisaan oo aad bas-baaseysaan,waxaanu leenahay il-maadeerayaal na basbaaseeya oo annaga qudhayada ayaa u baahan in boodhka na laga tumo. Xaqdaradii la idinku sameeyey waan idinka tacsiyadeynaynaa, Waxaanan nahay Xisbiga kaliya ee xaqdaradii ku dhacay Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ka tacsiyadeeyey ee ka hadlay, aniga iyo guddoomiyaha Xisbiga iyo guddoomiye kuxigeenada Xisbiguba waanu ka hadalnay, idinku waad garateene kuwa kalena inay gartaan oo ay nagu soo biiraan weeyaan”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.   

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com