Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Dhawr Ah Oo Dhinaca Horumarinta Ah Oo Ka Qabsoomay Magaaladda Boorame.

Xadhig-ka-jar-Boorama-300x168(maantasomaliland):-Madaxwayaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic dhawr ah oo dhinaca horumarinta ah oo ka qabsoomay magaaladda Boorame.

Waxa ku wehelinay Madaxweynaha xadhig ka jarkaasi wefti balaadhan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirro tiro badan, marwadda koowaad iyo maamulka gobolka iyo kan dagmada Boorama.

Ugu horayn waxa uu madaxwaynuhu xadhiga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyay kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, kuwaas oo imika yeelan doona xarun aad u balaadhan.

Dr. Rooda Ibraahim Rijaal oo madaxwaynaha warbixin kooban siinaysay ayaa tidhi “Madaxwayne waxa noo sharaf ah inaad xadhiga ka jarto dhismayaashan kulmin doona kuliyadaha caafimaadka ee Jaamacada Camuud ee kala ah Qaliinka Guud, Ilkaha, iyo Neeraska iyo Pharmasiiyada, waxa aan rajaynaynaa inuu noqdo albaabkii hore ee hormarka caafimaadka iyo warbaxrashada waana noo farxad ka soo qayb galkaagu.”

Madaxwaynaha ayaa waxa kale oo intii uu ku sugnaa halkan soo indha indheeyay dhismayaasha xaruntan caafimaadka ee uu xadhiga ka jaray.

Sidoo kale waxa uu madaxwaynhuhu xadhiga ka jaray wadada Eng. Gande ee badhtamaha Boorama ee isku xidhaysa, Jaamacadda Camuud iyo Garoonka diyaaradaha ee Boorama taasi oo dhererkedu dhan yahay 2km iyo badh.

Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa warbixn halkaasi ku siiyay Madaxwaynhaha waxana uu yidhi “Madaxwayne wadadani waa halbawlahii Boorama waxana ay isku xidhaa Jaamacadda iyo Garoonka Diyaaradaha, waxana ay qayb ka tahay dhismayaasha dhinaca wadooyinka ah ee ay xukuumadu hirgalisay ee sanadkan ka qabsoomay Boorama.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com