Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odayaal U Xidhnaa Xiisadda Xariirad Oo Xabsiga Boorama Laga Sii Daayay

(maantasomaliland):-Waxa Maanta ooda laga qaaday oo xabsiga dhexe ee Boorame laga sii daayay odayaal dhaqameed ka soo jeeda dhegaanka Xariirad kuwaas oo ku xidhnaa halkaasi muddo 2 bilood ka badan una xidhnaa dilal ka dhacay deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Xasan Daahir Dhimbiil oo ka hadlay kulan qado sharaf ah oo loo sameeyay odayaashan ayaa sheegay waxa sababay in maanta la sii daayo, waxaanu yidhi “Waxa ku sugan magaaladda Madaxwayane Siilaanyo oo arrimo badan oo ay qayb ka tahay tan Xariirad u yimid sidii loo furdaamin lahaa, sidaasi darteed, waxa odayaashan lagu sii daayay amar ka soo baxay dhinaca Madaxwaynaha oo bixiyay amarka lagu sii daayay. Waxaana loo sii daayay inay ka shaqeeyaan nabadeynta dilalkii halkaasi ka dhacay.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com