Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Siilaanyo oo Sibiq ku dhaafay Gabiley iyo Shacabkii Soo dhawaynayay oo Saluugay Sida uu Muraayadaha uga Dalacday.

siilaanyo3-qosol1(maantasomaliland):-Madaxwaynaha somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Safar ugu Maqnaa Gobolka Awdal oo kaga qayb galay qalinjabitii arday jaamacada Camuud ayaa Galabta si lama Filaan ah usoo dhaafay Gobolka Gabiley oo si wayn loogu Diyaargaroobay in lagu soo dhaweeyo iyada oo Dadka iyo baabuurta soo dhawaynta la sii tumay illaa iyo magaalada kalabaydh.

Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumada oo markii hore sheegay in Madaxwaynuhu ku hakan doono magaalada isla markaana shacbiga kala hadli doono fagaaraha Khayriyada ayaanay suuro galin balanqaadkii ay bulshada u sheegeen taasi oo ay fashilisay ka dib markii madaxwaynuhu muraayaha ka dalacday oo uu si lama filaan ah ku dhaafay dadkii soo dhaweeyay.

Markii madaxweynuhu soo gaadhay duleedka magaalada dila waxaa halkaasi ku sugayey dadweyne iyo gaadiid faro badan oo ay horkacayeen badhasaabka gobolka gabiley iyo maayerka degmada gabiley, waxaaney halkaasi ku salaam waftiga madaxwaynaha, inaasi ka bacdi ayaa waxaa Hadley xogyaha gaar ka ah ee madaxweynaha waxaanu sheegay ina madaxweynuhu dhaafayo magaalada gabiley, isla markaana saxaafada waxaa lagu wargaliyay in ay iska kala tagaan oo aanu waftigu hakan doonin.

Markii Waftiga madaxwaynuhu soo gaadhay Gudaha magaalada Gabileya yaa waxay ku dhaafeen Xawaare aad usareeya iyada oo sacab iyo soo dhawayn laamiga lagula sugayo taasi oo ay la yaabeen waxa Keenay in sidani dhacdo.

Qaar ka mid ah Dadwaynaha oo aanu wax ka waydiinay Dhacdadani ayaa sheegay in Madaxwaynuhu ka Cabsi Qabay in sidii Barigii kabo lagu salaamo ama lagu mudaharaado maadaama oo ay xukuumadu noqonay mid Balanqaad badan oo aan ka dhabayn wax qabadkeeda.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadwaynihii goobta ku sugnaa ayaa sheegay in Waftiga madaxwaynaha kalsoonidu kaluntay oo ay ahayd in ay shacabka soo dhaweeyay kala qayb galaan soo dhawaynta isla markaana madaxwaynuhu la hadlo bulshadana uu marwalba oo uu soo maro wax u balan qaado haddana aan la fulinin

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com