Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wariye Ka tirsan Radio Hargesa Oo Maanta Ay Ciidamada RRU-du Si Badheedh Ah Gaadhi Ugu Dhufteen Jidh Dil Ba`ana U Gaystay.

2c7b41bb01e41a71c6819a2baa9de54b_L(maantasomaliland):-Wariye-Cabdiqaadir Nuur Xuseen Dacar oo ka tirsan wariyeyaasha ka hawl gala Idaacada Dawlada ee Radio Hargeysa ayaa maanta ay ciidama RRU-da loo yaqanaa u gaysteen jidh dil kii ugu xumaa ee loo gaysto qof suxufi oo reer Somaliland ah,wariye Cabdiqadir ayaa saaka isago maraya agagaarka shacabka ee magalada Hargeysa gaar ahaan wasarada beeraha horteeda waxa ay ciidamo RRU ah oo wata baabur Bus ah waxa ay si badheedh ah ugu dhufteen gaadhigay wateen ee buska ahaa wariyaha isla markaana markii uu waydiiyey sababta ay gaadhiga ugu dhufteen waxa ay ka soo wada dageen baabuurkii iyago u cabaystay qoryihii ay siteen,intaasi ka dib waxay suxufiga ku qaateen baabuurkii ay wateen isla markaana baabuurka dhexdiisa mudo ku garaacayey soona daayey goor dambe oo ay u dhawaadeen xerada ay daganyihiin.

Wariyaha oo markii ay soo daayeen aan wax ka waydiinay xaaladan ku dhacday ayaa sheegay in aanuu garanahayn waxa ay u sheegteen iyo waxa dhexmaray toona oo uu meesha arrintani ka dhacday ay ku kulmeen uun.

Si kastaba ha ahatee waa markii ugu horaysay oo wariye ka tirsan Idaacada Radio Hargeysa ee dawlada ka hawl gala sidan oo kale loo waxyeelo ay ugu gaystaan ciidanka RRU-du dhawaan ayey ahayd markii ay sidan oo kale garaacis iyo tacadi ay ugu gaysteen xariirad wariye ka hawl gala Telefishanka Horn Cable Tv.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com