Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Dib Ugu Laabtay Burco Sababo Laxidhiidha Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Ciidan Beeleed Diidan Sahanka Shidaalka Iyo Shirkada Shidaalka

warancadde2-415x300(maantasomaliland):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa galabta ku soo laabtay magaaladda Burco   kadib markii ay xaalad amaan daro ka soo cusboonaatay deegaanka Waraabeeye oo ay saaka ku dagaalami gaadheen Ciidan beeleed diidan sahanka Shiidaalka ee laga fulianyo dhulkaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyahayaga  maantasomaliland  ee Gobolka Togdheer waxa saaka iska hor imaad dirqi kaga badbaaday ciidan Beeleed xoog u hubaysan iyo shaqaalaha Shirkadda Genel Energy, waxaanay taasi sababtay shaqaalaha Shirkadaasi in ay dib uga soo laabtaan goobihii ay hawsha ka fulin lahaayee.

Xukuumadda oo ka walaacsan xooga iyo awooda Ciidan Beeleedkaas is a soo urursaday iyo Ciidan ka tirsan RRU-da oo ay xukuumaddu geysay si ay u difaacaan Hawl wadeenada shirkadda ayaa sababtay in Wasiir Warancade loo yeedho si uu u dhex galo arrinta.

Ilaa hada lama oga warancade in uu magaaladda Burco ka baxay oo uu tagay deegaanka Waraabeeye oo ku began Hawda Burco iyo in uu wali Burco ku sugan yahay, hase yeeshee waxa la filayaa Xaaladda oo meel adag maraysa awgeed in uu dhex galo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com