Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cuqaasha Iyo Wax-garad ka Hadlay Askar Amardiido ku sameysay Maxkamada Burco Soona Jeediyay In talaabo Sharciga Waafaqsan Laga Qaado

warkiiugudambeeyay-midyar(maantasomaliland):-Waxgaradka Cuqaasha iyo odayaasha Beesha Dhibanihii kiiskii iska horimaadka ka dhaliyay Maxkamada Gobolka Togdheer iyo koox  ciidamada milatariga ka tirsan,ayaa shir jaraa,id oo ay  ku qabatay Magaalada Burco waxay kaga hadashay dhacdadaas waxaanay ka dalbatay Xukuumada, Madaxda sare ee ciidamada Milatariga in wax laga qabto Askarta Maxkamada rebashka ka abuurtay ee Xukunku ku dhacay isla markaana sharciga la horkeeno labadii nin ee maxkamada weeraray walibana loo fuliyo kiiskii si cadaalada loo ilaaliyo.

Beesha Barre Cabdile oo uu ka soo jeedo dhibanaha kiiskan Maxamed Cali Haaruun ayaa dawlada iyo cidii ay arintani Khusayso waxay ku adkeeyeen inay wax ka qabtaan si aanay u dhicin arintaas jawaabteedu taas oo bay yidhaahdeen amniga qaranka wax u dhimi karta.
waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Caaqil Cumar Xasan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa”qori baa kii wax sheeganayay iyo maxkamadiiba lagu qabtay kii madaxda askariga ahaana waa la socday waa arin layaab le oo naxdin le,waana in arintan meesheeda loogu tagaa oo wax laga qabtaa oo cadaaladu  shaqaysaa oo xaq ku socoto,hadii sharcigu shaqaynwaayo wax shaqaynayaa ma jiro ee waxay noqonaysaa in sidii xaaraama cune qofba qof cuno,ayuu caaqilku hadalkiisii kusoo koobay.”Ayuu yidhi.
Oday Cali Allaalle ayaa isna yidhi”Arintaas Maxamed Cali haaruun lagu sameeyay ee uu ka dawoonayo ee askartii dhulka ka iibisay hadana dib ugu qabsatay ee uu Maxkamadu u xukuntay, ee waliba Maxkamadii Cadaalada lagu hool garaynayo ee kii loo samaystay inuu amniga ilaaliyo ee wixii kalad ah isagu saxo, dadkii shacbiga ahaa ee uu dirayska u sitay uu foos garaynayo, taas waxaanu u aragnaa inay dawladnimadii inqilaabayso, markaas shacbigu siduu yeelayaa saw markaas fasax maaha, waxaanu wasaarada Gaashaan dhiga u sheegaynaa cidii xadgudubtay hala qabto, qaladkeedana waxa iska leh taliska ciidanka Burco oo yidhi iyagoo maxaabiis ah baanu keenaynaa markii danbena iyagoo dirayskooda wata keenay hadana wali difaacaya ninkii ninkan shicibka a wixiisa haystay.Arintanina waxay soconaysay Toban sanadood.” ayuu yidhi oday Cali.

Oday Axmed Maxamuud’oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi ”dacwadaa Maxamed cali maxkamadu u fulisay si degdega wax halooga qabto, Hadii aan ninka dulmanaha ah ee dacwada keensada wax loo qaban ee dacwadiisa  nin Xoog ama Aduun ku kaxaystona waa dulmi,waxaanu ku baaqaynaa cadaalda aad haloo tix galiyo hana loo sinaado,sinaan baa wax dhaqda, ka dirayska sita,ka indhaha la, ee aan hubka sidan intuba sharciaga haloo simo.”Ayuu yidhi

Maxamed Cali haaruun oo ah dhibanihii kiiskan  ay maxkamaduhu ki ugu xukumeen Askarta Ciidamada Milatariga ah ayaa isna ugu danbayn isagoo faafaahinaya kiiskan waxa uu yidhi ”kiiskani waxa uu Maxkamada Gobolka waxa uu ka bilaabmay 2003 dii waxaanay Makamda Sare soo xukuntay 2009 kii waxaanu intaas oo dhan ka soconwayday nimankaas askarta ah oo aan ku dacwaynayay dhul ay iga iibiyeen markii danbena ay iyagii dib iigu qabsadeen,garsoorkan sadexdii derajoba waan soo dhamaystay Fulintaasina Mudo far sano ku dhaw bay fuli wayday.

Maxkamada iyo xeer ilaalinta ciidanka qaranku waxay igu yidhaahdeen kiiskaas anagu shaqo kuma lihin ee maxkamadu hakuu fuliso, mar hadii aad adigu qof shicib ah tahay oo aad wax ku yeelatay kiiskuna  madani yahay, sidaasaan kaga soo noqday oo aan maxkamada ugu soo noqday, Gudoomiaya Maxkamaduna waxa uu u yeedhay taliska ciidanka, Taliskuna waxa uu balan qaaday inay keeni doonaan oo waxay yidhaahdeen nimankaas marka la keeno waxaad u diraysaa jeelka waad xidhaysaa hadii ay xataa dirayskooda soo qaatan waad xidhaysaa oo halkooda ayaad kaga saaraysaa, sidaas ayaa waaranadii lagu diray waxana noo yimi nimankii oo dirayskoodii iyo hubkoodii sita.

markii uu Gudoomiayaha Maxkamdu yidhi waxaanu sugaynay niman Maxaabiis ah ee maanan filayn, sidaas ayay kula baxeen hubka oo aniga, Gudoomiyihii iyo askarigii Maxkamda ilaalilnayay oo aan wax Huba sidan, hubka Noogula Baxay.Sidaas daraadeed waxaanu ilaalinaynay Amniga kala danbaynta iyo waliba garsoorka dalka, Markii uu ninkaas askariga ah iyo sarkaalka la socday hubka maxkamada ku dhaafay anana maanaan garan waayin inaanu sharciga gacanta ku qaadano  ee waxaanu tixgalinay garsoorkaas sharciga noo xukumay ee waxan dalbanaynaa inaanu xaqayagii helo.”ayuu kaga baxay Maxamed hadalkiisii.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com