Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ka hadlay kullamo Madaxweyne Axmed Siilaanyo maanta Boorame kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Awdal.

AXMED-SALEEBAAN-DHUXUL-298x300(maantasomaliland):-Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ka hadlay kullamo Madaxweyne Axmed Siilaanyo maanta Boorame kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Awdal.

“Waxa uu madaxwaynuhu maanta qaabilay, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal, si haboon oo milgo leh ayay u dhaceen dhamaan kulamadaasi, waxana tan sal u ahaa gobolka Awdal iyo dadkiisa oo ah kuwo xadaarad dheer leh oo ku abtirsada hormarka iyo hanaqaadka dhinaca nabadgalyada ah ee Somaliland,”ayuu yidhi Mr. Dhuxul oo maanta saxaafadda ugu waramayay magaaladda Boorame.

Afhayeen Dhuxul isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa laga wada hadlay waxyaabo badan oo dhinaca hormarka ah, waxana uu madaxwaynuhu si dhago furan u dhagaystay tabashooyinka beelaha iyo cabashooyinka kale ee ku lamaan dhinacyo badan oo jira, waxa aan hubaa in kulamadaas wax badan la isla meel dhigay oo wax wanaagsani ay ka soo bixi doonaan.”

Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha ka qayb qaatay kulanadan oo ay la hadashay saxaafadu ayaa waxa ay u sheegeen in ay madaxwaynaha kala hadleen dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen, saami qaybsiga dhinaca u dhiilisan ee xukuumada, tabashooyin kale oo la xidhiidha dhinaca garsoorka iyo waliba cashuuraha xaddhaafka ah ee saaran dikadaha macmalka ah ee gobolka Awdal ee Saylac iyo Lughaya iyo waliba xiisada dhinaca Xariirad oo uu madaxwaynuhu mudnaan badan siinayay, waxana aan kala qaadanay hawl cad oo ah in nabada dhismaheeda laga wada qayb qaao sidoo kalena wax laga qabto tabashooyinka ay beelahani qabaan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com