Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu socdaal shaqo oo laba maalmood qaatay uu ku tagay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

IMG_0679(maantasomaliland):-Madaxweynuhu waxa uu shalay ka qeyb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay dufcadii 12-aad ee ka qalin-jabisay jaamacadda Cammuud ee magaaladda Boorame oo ay ka aflaxeen 516 arday oo ka kala qalin-jabiyay 10 kuliyadood oo lagu dhigto Jaamacadaasi.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismaha Guriga cusub ee martida Boorame oo weftigiisu xalay u hoydeen.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta ka furay magaaladda Boorame dhismeyaal lagu kordhiyay caafimaadka ee Jaamacadda Camuud iyo waddo isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo badhtamaha magaaladaas.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu maanta kullamo la yeeshay salaadiinta iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal oo ay iska xog-waraysteen adkaynta nabad-gelyadda iyo horumarinta dalkaba, waxaanu madaxweynaha iyo weftigiisu kala kulmeen soo dhawayn balaadhan iyo niyad-samaan badan oo ay isku afgarteen qeybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Marwadda Koowaad, Wasiirrada Madaxtooyadda, Warfaafinta,

Waxbarashadda, Shaqadda, Boosaha, Beeraha iyo Arrimaha dibadda. Waxaanu galabta ku soo noqday caasimadda Hargeysa, iyadoo jidka isku xidha Boorame illaa Hargeysana si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com