Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Dan Iyo Duco Oo Ka Faah-faahiyey Waxqabadkoodii Muddadii Ay Jiraan Shaaciyeyna Shir Ka Dhici Doona Magaalada Berbera

(maantasomaliland):-Guddidan oo ka warbixisay  waxyaabihii u qabsoomay muddiddii ay jireen oo hadda dhan laba sanadood ayaa waxa ka mid ahaa talaabooyin ay sheegeen inay  u hirgaleen Dugsiyo waxbarasho  oo ay dhiseen iyo Mashaariic Horumarineed, waxaana sidaasi sheegay Guddoomiyaha Guddidan Muuse Xirsi Abokor (Muuse-dalab)

“Shirku waxa uu ku saabsan-yahay laba Sanadood oo bil iyo waxoogaa ay ka hadhsan-yihiin ayay Guddidani dhisnayd ama ka soo wareegtay maalintii aanu ka nimid Dubur, markaa war-bixin ku saabsan labadaa sanadood ayaan idin siinayaa”

 

Guddidan ayaa  xusay in bisha 10-aad ee Sanadkan ay Shir kale ku qabsanayaan Beel ahaan Magaaladda Berbera, waxayna Guddidu sidan ay kaga dhawaaqaday Qado Sharaf ay maanta ku yeesheen Hotel Maansoor ee  Magaaladda Hargeysa, taas oo ay kala soo qayb-galeen Xildhibaanadda ugu jira Golayaasha Baarlamaanka  Qurab-joogta, waxaanu yidhi

 

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Dan iyo Duco  Maxamuud Xaaji Aadan Guuleed ayaa sii xoojiyay wax-qabadyadaasi kala duwan ee Guddoomiyuhu sheegayn inay Guddiga u qabseen muddadaasi 2 sano ahayd, waxaanu yidhi

 

“Waxyaaba  aanu qabanay waxa ka mid ahaa, Tacliintu  halka ay maraysay, 16 Inan ayaa ka soo baxay Dugsiyadda sare oo Imtixaankii Shahaadiga ahaa u fadhiistay E iyo F bay heleen, Sanadkan markaanu meesha qabanay Tacliintu wax laga sheekayn karo may ahayn , Umaddini Tacliin bay ka dhisantaa mar haddii aynu tacliintii halkaa ka gadhnay khadkii weynu ka baxnay. Warbaahinta ayaanu ka hadlanay waxaanu nidhi Magaaladdii Dhaqaalaha dalku ka soo baxayay sidan kuma soconaysee waa in xal la keenaa, arrintaas Dawladdu wey naga dhagaysatay waana naga aqbashay saddex Mishiin oo waa weyn ayaa la keenay (Mishiinadda Laydhka)

 

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Bulshadda ka soo jeedda Gobolka Saaxil ay la xisaabtamaan Xildhibaanaddii Baarlamaanka ee ay codkooda siiyeen.

 

geestA kale

 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, lagana soo doortay Gobolka Saaxil ayaa ugu baaqay Shacabka ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee codkooda siiyay Dooerashaddii Baarlamaanka Somaliland oo Dalka ka dhacday Sanadkii 2005-kii.

 

Xildhibaan Qabile oo maanta ka hadlay Munaasibad ay Guddida Beesha Gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco ay ku soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay muddadii ka soo wareegtay aasaaskooda, taas oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

 

Waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Haddayaan na la xisaabtamin oo aydaan codkiina nalagula xisaabtamin, seetadda iyo dabarka ayaanu goosanaynaa”

 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu intaas ku daray “Weli 10 Xildhibaan oo Gobolka Saaxil ka soo jeedda ma u yeedheen oo ma tidhaahdeen codkaan idin siinay xageed la qabateen, maxaad qabateen, haddda xisaabtami-weydaan ana oo Halbawlaha idin kala xadnay-baad ogaan doontaan”

 

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Todobadda Xildhibaan ee Baarlamaanka ku jira, anigu Odayaasha Guurtidda kaga jira Gobolka Afkaygu ma gaadhayee, inta kala maalintaad meel iskugu keentaan ayaanu xisaabtami-doonaa wax mid ah baanu idinka midaysanahay. Maalinta aad Xisaabtaa gaadhaan-baad gob tihiin “

 

Guddiddan  Dan iyo Duco ayaa  lagu Doortay Shirkii ay Beelaha dega Gobolka Saaxil ay 29 Bishii   sanadkii 2011 ku doorteen Shir ay ku yeesheen Deegaanka Sheekhe Gobolka Saaxil.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com