Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dowladda Ethiopia oo baareysa Laba diyaarad oo ku kala gubatay magaalooyinka Dirir Dhabe iyo Muqdisho.

hhhh2(maantasomaliland):-Hay’ada duulimaadyda u qaabilsan ciidamada cirka ee dowlada Ethiopia ayaa baaraysa labbo shil diyaaradeed oo ka dhacay labbo asbuuc ka hor magaalooyinka Dirir Dhabe iyo Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay jariidada The Reporter ee ka soo baxda magaalada Addis Ababa in kooxo khubaro ah loo sameeyay baaritaanka labaddaas dhacdo, kuwaas oo hada ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Dirir Dhabe oo shilalku ka dheceen.

Shilka koowaad ayaa 6-dii August qabsaday diyaad xamuul ah oo ay leeyihiin Militariga Ethiopia taas oo lagu magacaabo C130 (L100), waxaana uu shilkani ka dhacay Garoonka Diyaadaha Caalamiga ah ee Dirir-Dhabe.

Diyaarada ku burbur-tay magaalada Dirir Dhabe ayaa waxaa waday Col. Solomon, waxaana labbo qof oo ku dhaawacmay haatan lagu dabiibaya cusbitaal Military oo lagu magacaabo Tor Hayloch oo ku yaala magaalada Addis Ababa.

Dhanka kale, diyaarada labbaad oo lagu magacaabo Antonov 12 ayaa ku burburtay magaalada Muqdisho aroornimadi, maalintii ay taariikhdu ahayd 9-kii August.

Afar ka mida shaqaalaha saarna diyaarada ayaa geeriyooday halka labbo kalena loo qaaday cusbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradaasi hub u siday ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.

Antonov 12 ayaa aroornimadi 9-ka August saacadu markay ahayd 6:00 AM ka duushay garoonka Dirirdhabe hase yeeshe 8:00 AM ayaa la soo tebiyay inay burburtay sababo ay ku sheegeen khubarada baaritaanka wada “Badbadeeda oo liidata”.

Wargeyska The Reporter oo soo xiganaya mid ka mida khubarada ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha nooca C130 ee Maraykanku siyaayay Ethiopia ay ka duwanyihiin Antonov, hase yeeshe khubaradu waxay carabka ku adkeeyeen in haddii dayac badani jiro, ay sahlan tahay diyaaradu nooc kasta oo ay tahay inay burburto.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com