Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha maamul gobeleedka Soomaaliya ee Puntland Faroole oo si kulul u eedeeyay Jubbaland iyo Xukuumadda Somalia. (Warbixin xasaasi ah)

faroole1(maantasomaliland):-Madaxweynaha maamul gobeleedka Soomaaliya ee Puntland Abdiraxmaan Sheikh Mahammed xamed Mahamoud Faroole, ayaa gaashaanka ku dhuftay heshiiskii ay dawladda Somaliya iyo maamulka Jubbaland ay ku gaadheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa,

Waxaanu si kulul ugu eedeeyay ayaa ku eedeeyay Soomaaliya inay sabab u tahay oo ay is hortaagtay in hanaanka federaalku uu ka hano qaado oo uu ka hirgalo dalka Soomaaliya, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweyne Faroole oo baryahanba ku sugnaa magaalada madaxdda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa sheegay inuu sii wadi doono qorshaha deegaanadda Puntland lagaga soo saarayo shidaalka, islamarkaana aanu marnaba ogolaan doonin in Puntland ay saami ahaan la qaybsato kharashka dakhliga ka soo gala dawladda Somaliya shidaal qodista.

Abdiraxmaan Faroole, oo muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa tibaaxay in dawlada Soomaliya ay isku dayayso inay waa sida uu hadalka u yidhiye inay ku shaqayso nidaam la mid ah kii uu ku shaqaynayay rajiimkii hore ee kali taliska ahaa ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare, waxaanu intaa ku daray in maamulkiisu aanu la shaqayn doonin shirkaddo ay la soo heshiisay dawladda Somaliya, isla markaana aanay Puntland marnaba u ogolaan doonin dhulkeedda ay shidaal qodis ka bilaabaan shirkaddo ay heshiis la soo gashay dawladda Soomaliya waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaanu ku dooday inay Puntland iskeed si gaar ah u sii wadanayso shidaal qodista u gaarka ah.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland, in Puntland ay ka soo horjeedo oo ay diidan tahay heshiiskii ku dhex maray Addis Ababa dawladda Somaliya iyo maamulka Jubbaland isaga oo ku eedeeyay in dawlada Somaliya aanay marnaba ogolayn inay awood siiso maamul goboleedyadda, waxaanu ku eedeeyay in dawlada Somaliya ay sii hurinayso qalalaasaha iyo isku dhacyadda ay ka dhex wado shacabka Jubooyinka.

Geesta kale, mar uu ka hadlayay arrimaha Puntland, waxa uu xusay in doorashadii uu qorsheeyay maamulkiiisu ee ahayd in ruux weliba uu codkiisa u dhiibto si xor ah inay kala daadiyeen oo waxa uu ugu yeedhay siyaasiyiin saamayn weyn leh oo u dhashay maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya, waxaanu bayaamiyay doorashadda ka dhici doonta Puntland in ay ku qabsoomi doonto nidaamkii qabaliga ahaa ee hore ee ay xildhibaanadda soo dooran jireen soona xulli jireen qabaailku, sidaana waxa uu ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Reuters,.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com