Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale Oo Weli Ku Guda Jira Socdaalkii Dalka Australia

u_109267d_2013-8-30-6-45-7f_xu1(maantasomaliland):-Waxa weli si habsami leh u socda shirweynihi caalamiga ahaa ee loo yaqaaney AfricaDownUnder Conference, ee ka socda magaalada Perth ee galbeedka dalweynaha Australia. Hadaba waxa maanta shirkaas qudbad dheer oo dhaxal gal ah isla markaasna taariikhi ah ka jeediyey wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Jamhuuriyada Somaliland. mudane Xuseen Cabdi Ducaale. The right honorable Hussein Abdi Duale, The Minister of Energy and Minerals of the Republic of Somaliland. 
wasiirku uu qudbadaas ka hor jeediyey in ka badan 2500 oo ergooyin ah ama loo yaqaano Delegates oo ka soo qayb galayaal ah. Waxa kale oo goobta ku sugnaa 45 Wasiir oo ka soo jeeda qaarada Africa oo ay ugu horeyso amaba ay hogaaminaysay wasiirada macdanta iyo khayraadka ee dalka Koonfur Africa. marwo Susan Shabangu…The Hon. Minister for Mineral Resources. Republic of South Africa. Hadaba wasiirka ayaa kulan dheer la qaatay wasiirkan jamhuuriyada koonfur Africa oo ay ka wada hadleen arimo badan oo quseeya dhanka macdanta  Waxa kale oo ay isla soo qaadeen shirweynaha caalamiga ah ee lagaga hadlaayo macdanta iyo khayraadka ee ka qabsoomi doona wadanka koonfur Africa shirweynahaas oo loo yaqaano. INDABA Mining Exploration Conference. South Africa. Shirkaas oo ah mid wasiirka lagu soo casuumay isla markaasna uu qudbad ka jeedin doono.
Waxa dhanka kale maanta wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale waraysi la yeeshay telefeeshin laga leeyahay dalkan Ustareeliya (Australia) oo loo yaqaano SKY TV oo si toos ah ugu tebinaayey dhamaan dalkan Australia oo idil. Waxa hadaba waraysigaas oo dhamays tiran iyo qudbadii wasiirka ee maanta uu goobta ka jeediyeyba aad dhawaan ka daalacan doontaan Shabakada wararka ee caalamiga ah ee Maantsomaliland.com iyo dabcan telefeeshinada caalamiga ah ee kala ah sida HCTV Australia iyo telefeeshinka qaranka ee SLNTV. Waxa hadaba qudbadaas wasiirka ka dib wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay shirkado laga leeyahay dalkan Australia oo danaynaaya in ay Somaliland soo booqdaan intaanay ku dhiiran in ay heshiish la galaan dawlada Somaliland.

Waxa dhanka kale wasiir Xussen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynahan caalamiga ah ee loo yaqaano AfricaDownUnder kuwaasoo kala ahaa wasiiro ka soo kala jeeda qaarada Afrika sida wasiirka dalka Angola…H.E. Manuel Francisco Queiroz. The Minister of Mining, Republic of Angola.  Iyo wasiiraka macdanta ee dalka Nigeeriya. H.E. Musa Mohammed Sada. The Minister for Mines and Steel Development. Republic of Nigeria. Waxa kale oo wasiirku uu kulan dheer la qaatay wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Koongo (Congo) The Hon. Pierre Obe. Minister of Mines and Geology. Republic of Congo.

Dhanka kale waxa wasiirku uu maalinta Jimcaha ah ee berito ku beegan uu waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siin doona mid ka mid ah Joornaalada ugu caansan dalkan Australia ee loo yaqaano The Australian. Hadaba ugu danbayntii anigoo ku hadlaaya magaca uruka Somaliland Foundation waxa farxad aan la soo koobi karin noo ah in wasiir Xuseen Cabdi Ducaale maanta wacdaro yaab leh ka dhigay goob ilyartu isqabatay. Isla markaasna ay tani tahay guul u soo hoyatay dhamaan shacabka reer Somaliland muxaafid iyo mucaarid dhamaantood.

 
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com