Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha caalamiga oo warbixin kasoo saartay Tacdiyada loo geysto Barakacayaasha Somalia

barakacayaal(maantasomaliland):-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa saaka waxa ay warbixin ka soo saartay tacaddiyada loo geystay barakacayaasha Soomaaliya.

Warbixinta ayeey hay’adda ka soo aruurisay Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegtay in haweenka iyo caruurta ku nool xeryaha ku meelgaarka ah ee ay ku nool yihiin dadka barakacay ay soo wajahdo khatar dhanka kufsiga iyo xadgudubyo dhanka galmada ah.

Hay’adda ayaa warbixinteeda waxa ay cinwaan uga dhigtay dhufsiga iyo xadgudubyada galmada ayaa ah cabsi joogta ah oo soo wajahda haweenka barakacay.

Hay’adda ayaa waxa ay sheegtay in xogta ay ka soo arruurisay tobaneeyo haween iyo caruur ah oo la hadlay cilmibaarayaasha hay’adda ay khatar ugu jiraan tacadiyo dhanka galmada ah.

Qaar kamid ah ayeey hay’addu sheegtay in ay aad u yar yihiin oo ay ku jirto gabar 13 jir ah oo dhawaantan la kufsaday.

Inta badan dhibanayaasha ayaa u sheegay hay’adda in aanay tacdiyada ku wargelin booliska sababta oo ah waxa ay ka cabsi qabaan in bulshada dhexdeeda lagu ceebeeyo iyo kalsooni yar oo ay ku qabaan in mas’uuliyiinta ay sameyn doonaan baaritaan, ayeey Amnesty International ku tiri warbixinta.

Xadgudubyada galmada

Donatella Rovera, Lataliyaha sare ee dhanka dhibaatooyinka ee Amnesty International ayaa sheegtay in Haweenka ayaa waxay hay’addu leedahay waxa ay ku nool yihiin guryo cooshada ah oo laga sameeyay dhar iyo baco oo weliba aanan laheyn cidd ilaalisa ammaanka gebi ahaanba, iyo xaalada amni darrada ah ee ka jirta waddanka, ayaanan wax lala yaabo aheyn in tacadiyadaas ay dhacaan ayaa lagu sheegay warbixinta.

Waxayna warbixintu intaa ku dartay in gabar 14 jir ah oo ku nool xero ay ku nool yihin dad barakacayaal ah oo ku taal magaalada Muqdisho lagu dhex kufsaday cooshkii ay daganaayeen iyadoo ka soo kabsaneysa cudurka qalalka oo hayay.

Amnesty International ayaa waxa ay warbixinta ku sheegtay in baaritaanka, dacwadeynta iyo xukun ku ridida dacwadaha kufsiga iyo hababka kale ee la xiriira tacadiyada galmada ay aad ugu yar yihiin Soomaaliya, arrintaas ayaa waxa ay sababtaa in dhibanayaasha ay ka caga jiidaan in ay dacwadaha u gudbiyaan booliska.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in hab dhaqanka booliska Soomaaliya ay mararka qaar ka qeyb qaadato ceebeynta lala xiriiriyo dadka ka badbaado tacadiyada galmada kuwaas oo laga yaabo in ay wajahaan su’aal waydiin aan dareen iyo faa’iido toona laheyn.

Waxaa jira dhowr haween oo boolis ah oo kiisaska tacadiyada galmada wax ka qabto, inkastoo aanan marwalba la helin, sida ku xusan warbixinta.

Sida ay sheegtay Qarmada Midoobay ilaa iyo 1700 oo kiis oo kufsi ah ayaa la sheegay in ay ka dhaceen xeryaha barakacayaasha Soomaaliya sanaddii 2012-kii oo kaliya.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in boqolkiiba 7 tacadiaydaasi in ay geysteen rag ku labisan dareeska dowladda.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com