Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abaal Laawe, Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn qormadii 2aad Qalinkii Muj. Cali Guray.

cali-guray(maantasomaliland):-Mar hadii aan intii wada joogtay isu ogolayn in dhexdooda wax isu ogolaadaan ama xataa ka tartamaan in Axmed Silanyo cagaha la qabsado dan baa tidhi. Axmed Silanyo, ninka Jigjiga noogu yimi ma ahayn nin dagaal u soo diyaar garoobay iyo SNM in uu ka mid noqdo toona waayo SNM oo reer ihi wuxu qabay in aanay meel gaadhi karin, nolosha adag ee jabhadnimada iyo in hawd iyo qarfo uu ku noolado na muu rabin. Wax la baryo oo la xodxoto ba ugu dambaystii wuu aqbalay  lakiin laba shuruudood oo adadag auu ku xidhay. Waa mid eh in reer Sh. Isaxaaq u dhan yahay oo aan cid diidani jirin, marka labaad na in aan cid la tartamaysaa jirin ee keligii looga hadho. Isku raacidu may sii adkaan waxa ka adkayd in la wada aqbali karo cidi lama tartami karto. Labada shakhsi ee ugu adkaa in la yidhaa ha la tartami na waxay noqdeen Yusuf Cali Sh Madar iyo Xassan Aden Wadaadiid oo isu ahaa gudoomiye iyo ku xigeen, markii ugu horeysay na lagu wada doortay Shirwaynihii 2aad oo lagu qabtay Nasaret, Itoobiya hadan mar labaad sanad ka dib lagu wada doortay Shirwaynihii 3aad oo lagu qabtay Herer 1983kii, hase ahaato eh si sharci daro ah loogu bedelay Jigjiga bishii November isla sanad kaasi, oo iyagu dagaalka na u soo diyaar garoobay aaminsanaa na in Isaaq ku qasban yahay wax na iska celin karo oo guul beegsan karo. Si loo buuxiyo shuruudihii Axmed Silanyo waa in labada mujaahid la qanciyo dabeed xaalki wuxu noqday ninba waa ku ninkiisa. Colkii sheekh yussuf qaabilay kumay adkaan ee Alleh wuu u sahlay, lakiin Xassan Aden si fudud umuu aqbalin inu silanyo keligii looga daayo saaxadda. Muddo ayaa la is jafayay ilaa ugu dambaystii uu ogolaaday, lakiin uu shuruud ka dhigay in aan cid reerkiisa, Habar Yonis ihi u codayn Axmed Silanyo oo keligii saaxaddda looga hadhay. Halkaa marka ay marayso ayaa intii kale oo ergadii kale oo dhami u tegtay ergadii HY oy yidhaahdeen waar intayada kale ayaa ku filan oo ilayn ninka cidi ba lama tartamayso eh idinku waxba gacanta ha taagina. Waayahay baa la yidhi lakiin Maxamed Xaashi( Lixle) isagu wuu diiday waanu u codeeyay Silanyo halka Maxamed Xaashi Cilmi na uu noqday codka keliya ee diiday. Sidaa ayuu Silanyo ugu dambaystii ururka SNM ku noqday loo na doortay inu noqdo hogaamiyihiisa.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com