Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waa Rajo Fiican Iyo Wax Lagu Farxo In Maanta Aan Helnay 600 Oo Aqoonyahan Oo Wax Badan Ka Tari Doonaa Qaybaha Kala Duwan Ee Nolosha”.Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi

images(maantasomaliland):-Waa Rajo fiican iyo wax lagu farxo in maanta aan helnay 600 oo aqoonyahan oo wax badan ka tari doonaa qaybaha kala duwan ee nolosha”.

“Waxaan Alle idiinka baryeyaa in Cilmiga aad soo barateen aad ku anfacdaan Umadiina idiin baahan Isla markaana  abaalkii soo celisaan”.

Waxay ahayd 28/08/2013, kadib markaan ka qaybgalnay Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna sagootiyey arday Tiradoodu gaadhayso boqolaal, waxaa soo buux dhaafiyey Waalid ka yimid dhamaan gobolada dalka iyo Gayigaba guud ahaan, waxay ahayd farxad iyo dareen gaara in aad aragto boqolaal qoys oo Wiilkoogii ama gabadhoodi wax u barteen, Waxaan la qiyaasi karin farxada ay dareemayeen waalidkaas iyo ardaydaas  kasoo gudubtay caqabado badan oo nololeed si ay u arkaan maanta oo kale.

Waan Hambalyeynaa Ardaydaas iyo waalidkii ku soo tabcay iyo sidoo kale macalimiintii wax soo baray. Waxaan sidoo kale bogaadin mudan Dawlada u suurto galisay Nidaam ay wax ku bartaan oo ay kow ka tahay Amniga iyo Nabadgelyadu.

Waxaa Mahad Mudan Allaha Nasiib inoo siiyey  Iiman iyo Waxbarasho taam ah oo aan kula tartami karno umadaha horumaray.

Waxaan Amaan u dirayaa Dhamaan Ummada ku dhaqan Dalkeena Somaliland oo halka umadaha  la midka ah ay dagaal iyo ismaan dhaaf ragaadiyey iyagu isku tashaday oo ubaxa dalkooga u tudhay isla markaana gayi nabdoon wax ku dhex baraya.

Waxaan Alle idiinka baryeyaa in Cilmiga aad soo barateen ku anfacdaan Umadiina idiin baahan oo aad abaalkii soo celisaan.

Waa Rajo fiican iyo wax lagu farxo in maanta aan helnay 600 oo aqoonyahan oo wax badan ka tari doonaa qaybaha kala duwan ee nolosha.

Cilmigu waa Nuur ee yaan la idiinka dhigin mid wax lagu cuno, yaan Idiinka  dhigin dhaliil in cida Cilmi barata haday camal waydo tahriibto, waa nusqaan in Cilmiga lagu tilmaamo mid wax dumiya ama ardayga ku hogaamiya Halaag iyo hoog.

Wabilaahi Tawfiiq

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com