Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii Ugu Danbeeyay Shaqaaqadii Ka Dhacday Maalintii Shalay Ahayd Degaanka Garbo Dadar Ee Gobolka Selel + Khasaarihii Ka Dhashay Oo Isa Soo Taraya

war deeeGarbo-Dadar-(msl) Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhaya degaanka Garbo dadar ee Gobolka Selel aya sheegaya in xaalada degaankaasi marba marka ka danbaysa ay faraha ka sii baxaysa ka dib marii maalintii shalay ahayd Iska hor imaad gaystay qasaare u badan dhaawac iyo burbur hantiyeed ay ka dhaceen magaaladaas  iska horimaadkaas oo ay  ku dhaawacmeen 9 qof qasaaraha  kale ee burburka hantida ah ee uu gaystayna ay gaadhayso kumaan kun oo dollar.

Sida ay wararka ilaa haatan aan ay shabakadan wararka ah ee Maantasomaliland soo gaadhaya ayaa sheegaya in iskudhacani a bilowday ka dib markii  markii dadwayne ay is hortaageen in meel jago ah la mariyo qasaab biyo galin ah oo uu samaynayay maamulka degmadu xeryaha qaxootiga  ee degaankaas ku sugan .

 

Intaas ka dib waxaa si badheedh ah is hortaagay qasabadaas jagadii la dhex marinayay oo ay ahayd jago ay lahaayeen Beesha ciise waxaana markiiba bilaabmay isku dhac iyo qas ay sameeyeen dadkii beeshaas ahaa ee biyo galintu jagadoodu dhex maraysay iyo dadkii biyo galinta loo samaynayay oo u badnaa dadka degaanka aqlabiyada ku ah ee Beelwaynta Abrayn  waxaana halkaas ka dhacay weerar culuso oo la isku adeegsaday Hubka Fudud ee loo yaqaano, Budad, Tooriyo Iyo Dhagxaan  iyo wax ala wixii kale ee la heli karayay.
Dhanka kale Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka ee aaga xeebaha Awdal ayaa xaqiijiyay isku dhacan beelaysan ee ka dhacay maanata degaanka Garbo-dadar, waxana uu xusay in la amray inaanu ciida milatari ahi halkaasi tagin, maadaama aanan hub la isticmaalin loona baahan yahay inuu boolisku u gurmado arintan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com