Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka Chuck Hagel, ayaa sheegay in go?aankii Baarlamaanka dalka Britain ku qaadacay in dalka Britain aanu ka qayb gelin weerar lagu qaado dalka Syria ayaa sheegay go aankaasi aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin qorshaha militari ee uu wato dalka Maraykanku ee ka dhanka ah dalka Syria.

 

u_109331d_2013-8-30-22-46-5f_iiiii(maantasomaliland):-Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka Chuck Hagel, ayaa sheegay in go?aankii Baarlamaanka dalka Britain ku qaadacay in dalka Britain aanu ka qayb gelin weerar lagu qaado dalka Syria ayaa sheegay go aankaasi aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin qorshaha militari  ee uu wato dalka Maraykanku ee ka dhanka ah dalka Syria.

Dalka Maraykanka ayaa wakhti xaadirkan si weyn ugu ollolaynaya inuu helo xulafo caalami ah oo kala qeyb qaadata duulaan lagu qaado xukuumada Bashaar Al Assad.

Madaxweynaha  dalka Maraykanka  President Barack Obama ayaa isagu sheegay in lama huraan tahay in fariin adag oo militari loo diro Bashaar Al Assad si uu u joojiyo adeegsiga hubka aan wax kala soocin ee Kimikalka.

Maraykanka ayaa la filayaa inuu gacan ka helo dalka Faransiiska oo isaguna horey u sheegay inuu ka qeyb qaadan doono tilaabooyinka ka dhanka ah Xukuumada Siiriya. Wadanka Turkiga oo ay siiriya Jaarka yihiin ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato tilaabo militari oo ka dhan ah xoogaga Bashaar Al Assad.

Hogaamiyayaasha wadamadda Faransiiska iyo Maraykanka ayaan sandulaysnayn in go?aankooda militari ay hor geeyaan Baarlamaanada dalalkooda sida Raysalwasaaraha dalka Britain uu u horgeeyay  baaralamaanka dalkiisa cod u qaadista weerar ka dhan ah dalka Syria.

Baarlamaanka wadanka Britain ayaa kalfadhi aan caadi ahayn oo xalay ay yeesheen oo cod xukuumadda Raysal Wasaare David Cameron, cod ugu qaadasay weerar ka dhan dalka Syria, ayuu baalamaanka dalkaasi si weyn ugu kala qaybsamay.

Kalfadhigan codka uu ku qaaday baarlamaanka dalka Britain ayaa 272 Xildhibaan taageereen in dalka Britain uu ka qayb galo dagaalka ka dhanka ah xukuumada Syria ee uumadaxweynaha ka yahay Bahsaar Al Assad, halka 285 Xildhibaan ay qaadaceen in aanay dawladda Britain wax lug ah ku yeeelan ka qayb galka dagaal weerar ah oo lagu qaado dalka Syria.

Arrintan ayaa waji gabax ku noqotay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron si weyn ugu ololeenayey in duulaan militari lagu qaado dalka Siiriya, kadib xasuuqii sunta Kimikalka.

Raysal Wasaare David Cameron oo isagu codsaday in xildhibaanada kalfadhigan aan caadiga ahayn isugu yimaadaan, ayaa xusay in uu  aad uga xun yahay codbixinta ay baarlamaanka dalkiisu ay ku qaadaceen qorshihiisii uu watay eek u doonayay in baaralaanku ansaxiyo duulaan lagu qaado Syria.

Dalka Ruushka ayaa si cad u diiday in la weerao dalka Syria isaga oo dalka Ruushku u isticmaalay diidmadda qayaxan ee VETO, halka dalka Germany uu qaadacay ka qaybgalka weerarada ka dhanka ah dalka Syria

 

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com